| Tusmada Suuradaha | Soo saaridda CD ga |

CASHARKA TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA

Shiikh: Cumar Faaruuq


ISTICMAALKA CD GA

Walaalayaal isticmaalka CD gaani aad buu sahlan yahay siiba qofkii Internet isticmaala maxaa yeelay qaabkiisu assalkaba wuxuu ka yimid Internetka. Marka waxaa loo baahan yahay intaadan isticmaalin arrimaha soo socda.

Computarkaagu Waa inuu yahay PENTIUM iyo kuwii ka danbeeyey [PENTIUM II,III .....iwm], ama mid u dhigma ayna ku jiraan qaybahaan soo socda dhammaantood

Waa inay Computarkaaga ku Jiraan Barnaamijyadaan Qayb Kasata Mid Kamid ah


FAAHFAAHIN KU SAABSAN BARNAAMIJYADA

Walaalayaal haddaan ugu hor mariyo Operating Systems Computarradii la iibsaday ama la sameeyay sannadkii 1995 iyo sanooyinkii ka danbeeyay dhamman waa OK maxaa yeelay computer ma shaqeeyo ilaa uu Operating System ku jiro.

Kan labaad waa Browsers Waa barnaamijka loo isticmaalo internetka badanaana computarada uu ku jiro Operating System windows 95 iyo kuwii ka danbeeyay wuu ku jiraa, taasoo macnaheedu yahay badanaa computarradii sanooyinkii 95kii ka danbeeyay la iibsaday waa OK.

Kan saddexaad waa Players kani aad buu muhiim u yahay qof aan internet ku xirayna ma helo sida caadiga, Barnaamijkaan oo ah kan internetka raadiyayaasha looga dhegaysto waxaa jira isagoo bilaash ah iyo isagoo lacag ah, marka waxaa CD gaan ku duuban kan bilaashkaa oo aad uga kaaftoomaysid in aad internet ka raadisid. Waa in aad komputarkaaga galisid inta aadan isticmaalin barnaamijkaan, waxaana ka helaysaa CD gaan meesha ama directoriga magiciisu yahay Players. Runtii waxaa ku jira dhowr nooc oo kala duwan, waa iskuwada mid marka waa in aad mid qura isticmaashid. Haddii computarkaagu soo baxay sannadkii 96 iyo wixii ka horeeyer isticmaal Realplayer version 5 ka, haddii uu soo baxay sanooyinka 97 ama 98 isticmaal Realplayer version G2. Ugu danbayn haddii uu soo baxay sanadkii 99 iyo kadib isticmaal Realplayer version 8 ka .

Haddaba hadii aad xalisid arrimahaas aan kor ku soo sheegay dhammaantood waxaad diyaar u tahay inaad CD gaan aad istimaashid waxaadna furtaa faylka magiciisu yahay Start.htm.


alhuddaİ2002, ............................... Su'aal ama talo udir alhudda@hotmail.com