| Tusmada Suuradaha | Isticmaalka CD ga |

CASHARKA TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA

Shiikh: Cumar Faaruuq


SOO SAARIDDA CD GA

Ugu horayn Asalaamu Calaykum Waraxmatullahi dhamaantiin intiina fursadda u heshay inay CD gaan isticmaalaan. Waa ilaahay mahadiis anigoo ah walaalkiin soomaaliyeed in aan soo saaro CD gaan oo ah kii koowaad ee saddex CD oo quraankoo dhan tafsiirkiisu ku dhan yahay. Cadada casharada CD gaan koowaadi waa 84 cashar, ahna tobanka jus ee quraanka ugu horaysa, kana bilaabanaya Suurat Al-Faatixah kuna dhammaanaya Suurat At-Tawbah. Walaalayaal Waxaa xusid mudan Shiikh Cumar Faaruuq oo aan leenahay dhammaanteen ajar iyo xasanaad badan ilaahay ha siiyo.

Dhinaca tarjunka magacyada suuradaha quraanka kariimka, waxaan ka tixraacay sida ay soomaali ugu qoran yihiin kitaabka "Quraanka Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa ee Afka Soomaaliaga", ee uu Tarjumay walaalkeen Maxamuud Maxamed Cabdi ilaahay haka ajar siiyee.

Ugu danbayntii Anigoo magacayga usoo gaabiyey Caliciid waxaan walaalaha soomaaliyeed leeyahay, Wax faa'iido adduunyo kamarabo hawshaan qabtay, waxaana u qabtay ilaahay dartiis oo kaliya. Taasoo aan idinleeyahay CD gaan waad duubi kartaan waadna badin kartaan si dadku Quraanka macnihiisa u fahmaan, kadibna ay naftooda ugu dabakhaan una helaan liibaanta adduunyo iyo tan aakhiraba.


alhuddaİ2002, ............................... Su'aal ama talo udir alhudda@hotmail.com