Afhayeenka Amisom Bahoku oo sheegay inay goobo dhowr ah Shabaabka kala wareegeen
Taliska Ciidamada Amisom ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in dagaaladii saaka uu ahaa howl gallo ballaaran oo ay Shabaab goobo badan ka ceyrsadeen
Barigiye Bahoku Afhayeenka Ciidamada Amisomayaa manta ka hadlay dagaalada abaabulan ee ay ciidamada amisom manta ku qaadeen fariisimo ay leeyihiin ciidamada xarakada alshabaab.
Afhayeenka ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgal ka dhan ah fariisimaha Kooxda Al-Shabaab oo dagaalada maanta uu sheegay in ay kula wareegeen baro istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin xarunta wasaarada gaashaandhiga iyo shiirkolo ofishaale isagoo hadalkiisa raaciyay in iyaga oo kaashana ciidamnada dowlada ay hada qeybaha sare kasaaranyihiin fariisimahaasi.
Afhayeenka mar wax laga weydiiyay khasaaraha dhankooda ilaa iyo hada inta uu ogyahay ayuu sheegay in weli aanu haynin tiro koob sax ah oo khasaaraha ku saabsan laakiin ay jiraan khasaarooyin maadaama aan lagu jirin kaftan iyo ciyaar oo xabad laridayo.
Maadaama fariisimaha Amisom ay hada tageen ay kaabiga ku hayaan suuqa bakaaraha amisom ma waxay diyaar u tahay in ay suuqaasi tagto mar laweydiiyay afhayeenka amisom ayuu sheegay in aanay jirin istiraatiijiyad melleteri iyaga iyo ciidamada dowlada ugu degsan suuqaasi islkamarkaana aanay diyaar u ahayn in suuqaaasi ay fariisin ciidan u bedelaan.
Ciidamada Amisom ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay hormuud u ahaayeen dagaalada ka dhacaya muqdisho oo ay ku garabsiinayaan ciidamada dowlada kumeelgaarka soomaaliya qowlad iyo ceel gaal inta u dhaxeysa woqooyi 10km
|
|


Print
