By: Ladan //  Feb 21 2011 at 9:44 am //  214 Reads  // Wararka Somalia

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar argagixiso ah

  • Share
  • Comments
  • Print Print


(Muqdisho, Febraayo, 21, 2011) Xukumadda Soomaaliya ayaa isniinta si xooggan u cambaareysay weerar is-qarxin ah oo lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Muqdisho. Xukuumaddu waxay muujisay sida ay uga naxday khasaaraha nafeed ee halkaasi ka dhashay.

Toddobo qof ayaa naftooda ku waayay weerarka, iyadoo 35 kalena ay ku dhaawacmeen. 15 ka mid ah dhaawaca isbitaalka waa laga bixiyay kaddib markii la daweeyay, iyadoo 20 kalena ay weli isbitaalka ku jiraan. Dadka dhintay waxaa ka mid ah laba carruur ah oo kala jiray 10 iyo 11 sano jir oo ka ag dhowaa goobta.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ahaa dad rayid ah oo ay ka mid ahaayeen dad meesha ku sameynayay orod jimicsi ah.
Wasiirka Warfaafinta, Boostaha iyo Isgaarsiinta, ayaa yiri:

“Wuxuu ahaa weerar fulaynimo ah. Kooxda xagjirka ah waa caadadooda in mar kasta oo ay ku jabaan goobaha dagaalka inay bar-tilmaameedsadaan meelo jilicsan.”

“Hase ahaatee ciidankeenu kuma niyad-jabayo falalka qaska ku dhisan, wayna sii wadi doonaan tallaabooyinka ay ka qaadayaan inay dalka ka baabi’iyaan xagjirka iyo argagixisada.”

Xukuumaddu waxay tacsi u direysaa qoysaskii dhibaatadu ka soo gaartay weerarka, iyadoo Alle uga baryeysa inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Weerarkan ayaa imanaya maalmo kaddib markii Al-Shabaab ay ku weysay saraakiil sare oo shisheeye ah iyo dagaalyahanno Soomaali kaddib markii ciidanka Dowladda iyo AMISOM ay qaadeen howlgallo.

Wixii soo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments