Cunug 16 bilood jirta oo leh suulashii iyo farahii ugu badnaa ebid aduunka “Dhacdo cibro qaadasho leh”+sawiro
Waxaan jecel nahay markasto inaan idiin soo gudbino Dhacdooyinka ka dhaca dunida daafaheeda ee layaabka badan si aad wax badan uga ogaataan waxa dunida inagu xeeran ka dhacayo.. hadaba maanta waxaan idiin soo gudbinaynaa gabar yar oo u dhalatay dalka Burma oo noqotay qofka ugu faraha badan aduunka iyadoona lagu wado in sanadka 2012 ay gasho mucjisada gabadhaas buuga lagu qoro dhacdooyinka layaab aduunka ee Guiness.
Gabar yar oo jirta 16 bilood ah, laguna magacaabo Le Yati Min, una dhalatay dalka Burna ayaa la shaaciyey in ay leedahay 12 farood oo gacmaha ah iyo 14 oo lugaha ahl taasi oo ka dhigaysa qofka ugu faraha badan caalamka ee hada nool. .

Le ayaa haatan qoyskeeda waxa ay doonayaan in gabadhooda la geliyo buuga lagu qoro dhacdooyinka caalamka ee Guiness, iyadoo arintaasi uu ka caainayo haatan qof deriskooda ah kadib markii ay maqleen in rikoorka qofka qofka ugu faraha badan aduunka in uu haysto wiil u dhashay dalka Hindiya kaasi oo leh 12 farood oo gacmaha iyo 14 oo lugaha ah.
Gabadhan ayaa haatan kula nool qoyskooda guri yar oo ka sameysan alwaax daafaha koonfur-bari dalka Aasiya ku yaalla caasimadiisa Yangon, halkaasi oo ay ku haysato lug kasto 7 faro iyo suulal iskugu jiro.

Hooyada cunugtan dhashay oo lagu magacaabo Phyo Min MIn Soe oo 26 sano jir ah ayaa sheegtay talaadii ‘Hadii Le Yati Min ay gasho buuga dhacdooyinka aduunka ay aad u farxi laheed, laakiin taasi xitaa la,aanteed ay gabadheeda horey ugu nooleed nolol farxad leh.’

“Waxay u muuqataa mid waxkasto si caadi ah u qabsan karto – sidaas daraadeed ma rido wixii loo dhiibo inta badan,” sidaasi waxay tiri xilli ay Le agteeda ku ciyaaraysay mobile.
Markaan dib u jaleecno buuga dhacdooyinka ee Guiness hada waxaa rikoorkaas ruuxa aduunka ugu faraha badan haysto laba dad ah uu u dhashay dalka Hindiya kuwaasi oo leh min 12 farood oo gacmaha iyo 13 lugaha mid kasto.
W/T: Abdulkadir Abdirahman
Dhacdooyinka Caalamka
Dadir2003@hotmail.com
|
|


Print
