Qoolleey koontara baan waday oo lagu qabtay duleedka xabsi ku yaalla dalka Colombia ” Maxay waday?”
Waxaan jecel nahay markasto inaan idiin soo gudbino Dhacdooyinka ka dhaca dunida daafaheeda ee layaabka badan si aad wax badan uga ogaataan waxa dunida inagu xeeran ka dhacayo..maantane waxaan idiin kugu soo gudbinaynaa qoolleey kootarabaan soo galin rabtay xabsi ku yaalla dalka Colombia, balse la qabtay kadib markii ay ku soo dhacday dhulka maadaama ay waday culays ka badan inta ay qaadi karto…
Waxay ahayd qorshihii ugu dambeeyey oo xirfadaysan oo ay adeegsadaan qolooyinka ka ganacsada daroogooyinka ee dalka Colombia, kaasi oo ay ku doonayeen in ay ugu soo gudbiyaan maandooriyaha loo yaqaano Marjuwaana maxaabiis ku jirtay xabsiga dalkaas Colombia ku yaallay.

Waxay ku soo xireen qoolleeyda xirmo yar oo ka kooban 1.6 oo ah daroogada marjuwaanaha loo yaqaano, kadibna waxay u soo tilmaameen jihada xabsiga ku yaalla deegaanka Bucaramanga ee wadanka Colombia.
Laakiin nasiib daro culayska daroogada ay soo saareen koontarabaanistayaalka ayaa sabab u noqday in shimbirta ay ka tilaabi weyso darbiga xabsiga kadibna dhulka ku soo dhacdo, isla markaane waxaa gacanta ku dhigay laba sargaaal oo booliis ah, xilli ay la jahwareersaneed sidii ay uga tilaabi laheed darbiga dheer ee Xabsiga, iyadoona markasto oo ay kor u duushana dhulka ku soo dhacaysay oo la’ wax caawiyo si ay u gaarsiiso adeega loo soo dhiibay goobtii loogu talogalay.

‘Tani waa fal dambiyeed xirfadaysan oo maskax wayn ka dambeyso.’ sidaas waxaa yiri madaxa booliiska Bucaramanga Jose Angel Mendoza. ‘Waxay isku dayayeen in ay koontarabaan ahaan u soo galiyaan xabsiga daroogooyin, iyagoo adeegsanaya qoolleeyo adeegayaal ah.’
‘Waxaanu ka helnay shimbirtan meel wax yar u jirta xabsiga, iyadoo isku dayeyso in ay la soo duusho adeega ay waday, laakiin culayska dheeriga ah ee saarnaa awgeed uma suurto galin shimbirta in gaarto hadafkeeda.’
Inta badan gaangiistarada wadanka Colombia ayaa maciin bido in ay adeegsadaan farsamooyin aan caadi ahayn, iyagoo mar sii horeysayna adeegsadeen baq baqaaq ay u soo tababareen sidii ilaalo oo kale, balse adeegsiga xayawaanaadka ayaa ah mudooyinkii ugu dambeeyey mid si xowli ah ku socdo, iyadoona dhawaan dalka sacuudiga lagu qabtay shimbir wayn oo camero ku xiran tahay kaasi oo ay sheegeen saraakiil u hadashay dalka sacuudiga inuu basaas u ahaa ciidamada Sirdoonka Israa.iil ee loo yaqaano MUSAAD.
W/T: Abdulkadir Abdirahman
Dhacdooyinka Caalamka
Dadir2003@hotmail.com
|
|


Print
