By: Sabah Ali //  Dec 26 2010 at 12:50 pm //  3,503 Reads  // Wararka Caalamka

Sagaal sano jir dhagaraysay tuug ‘Dhacdo layaab badan’

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaan jecel nahay markasto inaan idiin soo gudbino Dhacdooyinka ka dhaca dunida daafaheeda ee layaabka badan si aad wax badan uga ogaataan waxa dunida inagu xeeran ka dhacayo.. hadaba maanta waxaan idiin soo gudbinaynaa gabar aad u da’ayar oo tuug guriga awoowgeed xadi rabay…

Gabar yar oo aad u caqli badan oo u dhalatay dalka china, kana soo jeeda Zhumadian oo ka mid ah gobolka Henan ayaa madaxeeda ka heshay in ay si degan u dhagarayso tuug u soo dhacay guriga adeerkeed, xilli asiga, awoowgeed iyo ayeeydeed ay ka maqnaayeen guriga.

Gabadhan yar oo lagu magacaabo Keke ayaa joogtay guriga kaligeed goor barqo ay tahay saacada dalkaasne ku beegneed 10:00 am, ka gadaal markii awoowgeed iyo ayeeydeed adeen si ay caafimaadkooda u soo hubiyaan, halka adeerkeedna jiray shaqo, wax yar markii ay tageen kadib, waxay aragtay nin ay u malaysay in uu adeerkeed saaxiib la yahay oo daaqad dambe oo guriga ah ka soo dhacaayo, hase yeeshee isla markii ay xaqiiqsatay inuu yahay tuug, gabarta dhigata galaaska seddexaad si degan ayey u soo dhawaysay, una shubtayo galaas biyo ah, waxayna ka tuugtay inuu uga sheegeeyo sheekooyin isla markaane uu ka kaalmeeyo shaqo gurigii iskuulka looga diray (Homework).

Laakiin markii ay in mudo ah mashquulisay awoowgeed, ayeeydeed iyo adeerkeedna aysan soo noqon ayey waxay sii fikirtay arin kale iyadoona u sheegtay ninkan oo aan la magacaawin in saaxiibada adeerkeed ay markasto uga baararka wax uga soo iibin jireen, isla markaane u weydiisatay inuu ICE cream u soo gado, kadibna dibada ugu riixday sidii iyadoo ka rabto inuu u doono ice cream-ka, balse markii uu sii baxayey ayey albaabka ka xeratay.
Hase yeeshee ninkii ayaa markii diba tegay albaabkiina laga xertay, xaqiiqsaday in gabarta yar dhagaraysay (qiyaamaysay) asigoona bilaabay in uu kula hadlo hadalo mac macaan si ay albaabka uga furto, balse waxaas dhag jalaq uma siin gabadha maskaxda furan ayaa si deg deg ah u taleefan garaysay adeerkeed, kaasoo guriga ku yimid 5 daqiiqo xilli uu ninkii taagan yahay albaabka oo uu gabadha ku qal qaalinayo inay albaabka ka furto, qabtayna isla markaane geeyay saldhig booliis oo u dhaw xaafadooda.

W/T: Abdulkadir Abdirahman
Dhacdooyinka Caalamka
Dadir2003@hotmail.com


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments