By: Ladan //  Dec 26 2010 at 10:14 am //  200 Reads  // Wararka Somalia

Shabaab iyo Dowladda oo ku dagaalamay Duleedka magaalada B/weyne.

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dagaal culus oo ka dhacay shalay gelinki danbe deegaanka Ceel Gaal ee duleedka magaalada Balad Weyne

Dagaalkan oo dhexmaray ciidamada dowlada iyo Shabaabka Baladweyne ayaa waxaa guulo ka sheegtay Al Shabaab iyadoo aney jirin qasaaro dadka rayidka ah soo gaaray.

Afhayeenka xarakada Al-Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu sheegay inay hormar ka gaareen dagaalkaasi, ka dib markii ay weerareen ciidamada dowladda KMG xilli ay ku sugnaayeen Ceelgaal.

Abuu Muscab ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda KMG inay dhibaato dhac iyo boob ah ku hayeen shacabka, wuxuuna sheegay inay meesha ka saareen.

Dagaalka ayaa dhacay goor dambe oo shalay aheyd, waxaase aan weli la xaqiijinin qasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Ma jiro war ka soo baxay dhinaca kale ee dowladda KMG ee ku aadan dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceelgaal ee duleedka magaalada Beledweyne.

Al Shabaab ayaa maamulo inta badan Gobolka Hiiraan, waxa ay kala wareegeen bishi June ee sanadkaan ururka Xisbul Islaam oo horay u maamuli jiray kaasoo todobaadki horana si toos ah ugu biiray Xarakada


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments