By: Ladan //  Jul 09 2010 at 1:26 pm //  336 Reads  // Wararka Somalia

Al Shabaab oo Odayaal Xabsiga dhigay.

  • Share
  • Comments
  • Print Print



Ilaa 15-Oday oo ka mid ah waxgaradka magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa la sheegay in maamulka xarakada Al-Shabaab uu xabsiga dhigay, kaddib markii laga soo qabqabtay guryahooda, iyadoo howlgaladaasina ay dhaceen maalinimadii doraad ahayd ayaa la sheegayaa in odayaasha la weydiinayo su’aalo la xiriira dembiyada lagu soo eedeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah odayaashaasi ay la soo gudboonaadeen xaalado caafimaad darro, iyadoo cudurro la soo gudboonaaday iyagoo weli ku jira xabsiga saldhigga magaalada Kismaayo, hase yeeshee maamulka xarakada Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyay odayaasha inay ka dhego adeygeen awaamiirta maamulka uu u jeediyay dadka degaanka oo uu ku amray inay soo xaadiraan goobaha fagaarayaasha si ay uga qeyb qaataan bannaanbaxyada ururka Al-Shabaab.
Ilaa iyo iminka ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay xarakada Al-Shabaabka Kismaayo oo ku saabsan xariga odayaasha ay kula kaceen, waana markii ugu horeysay oo xabsiga la dhigo qaar ka mid ah waxgaradka Kismaayo, inkasta oo tan iyo markii Al-Shabaab ay la wareegtay gobolada Jubooyinka ay dil iyo caga jugleyn kula kaceen wadaado iyo xubno magac ku leh Jubbooyinka.

Dhinaca kale magaalada Kismaayo waxaa ka socda dadaallo ay wadaan qaar ka mid ah waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo xubno gacan saar la leh xarakada Al-Shabaab, kuwaasi oo iyagu doonaya in odayaasha shuruud la’aan lagu sii daayo


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments