Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Soomaliya
Iyadoo abaaro xoogan oo saameeyay dadka iyo duunyada laga soo sheegayo Gobolada dalka ayaa waxaa abaarahaas ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo umada soomaaliyed ugu baaqay inay Alle bariga ay badiyaan.
Madaxweyne Shariif ayaa ka sheegay shalay masaajidka Madaxtooyada in shacabka soomaaliyed looga baahan yahay inay salaad roob doon badiyaan, isla markaana ay Alle u laabtaan.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in colaadaha dalka ka taagan ay keentay in raxmadii alle ay dadka ka guurto, isla markaana faraha lagula jiro dambi iyo fowdo iyo dhiiga muslimka ah oo la daadinayo.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in dhamaan looga bixi karo dhibaatooyin in alle dib loogu laabto, si loo helo raxmadii alle sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Shariif.
Roobkii sanadkan ee deyrta ayaa sanadkan baaqday, taasi oo keentay abaaro baaxad leh oo wada saameeyay dadkii iyo duunyada iyadoo abaarahaas ay dhaliyeen in xoolo fara badan ay le’daan iyo beerihii soo go’i jiro oo biyo la’aan ku dhacday
|
|


Print
