By: Ladan //  Jul 07 2010 at 9:21 am //  294 Reads  // Wararka Somalia

Ciyaartii Shariif Xasan iyo Baarlamaanka Somalia

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa Maanta mar kale waxa ay ku kulmayaan Guriga Umada Waxana Xildhibaanada ay maanta ka doodayaan Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay uu u qeybiyay shariif Xasan oo u ek in Xildhibaanada uu ku masquulinayo.

Xaldhibaanada ayaa kulankii ay shalay isgu yimaadeen waxaa loogu qaybiyay waraaqo ay ku qoranyihiin Xeer hoosaadka Baarlamaanka waxaana fursad loo siiyay in ay ku soo aqristaan mudo 24-Saac Gudohood ah oo ku Eg saakay waxaana lagu wadaa in ay maanta Xildhibaanada ay fikradahooda ka dhiibtaan Xeer hoosaadka oo xiligaan wax badan aanan ku soo kordhineen siyaasada buuqsan ee ka aloolsan Baarlamaanka Somalia.

Mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa haatan waxa ay ku sii Qul-qulayaan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Guriga Umada, halkaas oo uu ka dhacayo kulanka ay isugu imaanyaan Xildhibaadanada waxaana amaanka guud isha ku haya ciidamda DKMG iyo kuwa AMISOM.

Wadada Maka Al-Mukarama qaybo ka mid ah ayaa haatan Xiran waxaana lagu arkayaa CIidamo Ka tirsan Dowlada KMG Soomaaliya ku waas oo amaanka adkaynaya waxaana la diidayaa dhamaan gawaarida adeegsata wadadaasi in ay toos u soo maraan wada Siyidka.

Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa harjad dheer waxa uu u soo maray sidii mar labaad uu u qaban lahaa xilkaasi waxaana ay sheegaan dadka Indha-indheeya in ninkaasi uu yahay nin isbadal badan oo saaxiib toos ah aanan ku lahyeen Baarlamaanka.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments