By: Riwaan Haji //  Mar 08 2013 at 2:53 pm //  1,406 Reads  // Article & Opinion

Dhisidda Is-Maamulka Jubaland Xaggay Ku Dambaysay?

  • Share
  • Comments
  • Print Print


jubalandMa sida roob xagaa koofureed ayuu xiiso ku ekaaday! Editorial – Markacadey.net

Ma sida hillaac xagaayeed oo biriq dhahay muu maskaxda minit ug baxay mise dayrta soo socoto ayuu mar dambe soo muuqanayaa?
Dhammaadka bishii la soo dhaafay, waxaa Magaalada Kismaayo ka furmay dhisidda Xubin Federaaleed ama Is-Maamulka Juba. Shirweyne ayaa lagu qabtay. Dad badan ayaa u durbaan garaacaayay, dareen ka beelaha ay u qabaan hawshaas ma yarayn – shucuur iyo sacab-garaac ma loo kala gaabinin! Shirkaas inuu dhaci doono waxaa lagu faafiyay ka hor toddobaadyo web ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia: www.mfa.gov.et. Dhinaca kale dowladda Kenya waxay rajaynaysay inay ka soo baxaan qorshihii dagaalka ay u soo gashay qayb ka mid ah: In Jubaland ay noqoto xukuumad barooksi (proxy administration) oo ay ka yeesho sida ay doonayso. Saaxiibadii Raas Kiyambooni ayaa lagu waday inay hawsha hor-seedaan. Kenya waxay rabtaa Badweynta Soomaaliyeed ee Hindiya ee Soomaaliya taabacsan, mar kii dhawaanahan la arkay inay badda Hindiya ay hoos ceegaagto gaas dabiici ah iyo saliid (shidaal dareere ah). Damaca Kenya waa 2 arrimood:

• Jubaland inay noqoto xukuumad maxaliyeed u adeegta Kenya; aadna uga caawinta dhinaca amniga.
• Jubaland inay sahasho danaha Kenya ay ka rabto xeebaha iyo gudaha badda Soomaaliyeed ee Kenya deriska la ah. Hadda ka hor Memorandum of Understanding (MoU) ayaa uu saxiixay Mudane Abdirahman Abdishakur markuu ahaa Wasiirka Qorshaha iyo Wax La Qabsiga Caalamiga.

Laakiin maxaa dhacay oo hakad keenay?
Madaxweynaha waxuu yiri “Shacabka iyagoo gobollo is-raba ah ha sameestaan Xubinta Federaal kooda oo aan ka yarayn 2 gobol; kuwii jiray ka hor 1991.” Haddaba maxaa keenay khilaafka Xukumadda Federaalk ah iyo Shirweynihii ka socday Kismaayo? Sababahaan ayaa loo maleeyaa khilaafka inuu ku salaysan yahay:

• Iyadoon jirin Sharcigii Federaal ka ahaa oo xadidaya oo qeexaya xuduudaha Jubbaland iyo tirada kale oo Xubno Federaal ah inta ay la eg yihiin. Waxaa lagu waday Komishan arrin taas Baarlamanka Federaalka inuu u sameeyo, ka gadaal komishan kaas u soo gudibiyo go’aan kiisa baarlamanka si uu ugu codeeyo. Dhinacaas waa sharciyaynta Xubnaha Federaalka; xuduudahooda iyo tiradooda.
• Dhinaca kale ma ay jirin ka qayb-gal Dawladda Federaalka ah iyo beelaha qaar oo gabi ahaanba Shirweynahaas guurti dooda iyo duubab kooda ka biyo-diiddan. Beelaha diiddan dad magac-yaal kooda ku qaraabanaya ayaa ka qeyb-galayay. Shirweyna haas sida cad kama dhaadhicin xukuumadda Federaalka ah. Waxaa shirka ka maqnaa Gaaljecel, Sheeqaal, Biimaal, Cawrmaleh, Ajuuraan, Riibi, Jareerweyne (khaasatan Mashuunguli Reer Goleed), Wardaay, Baajuun, Tunni, Xawaadle, Dabarre, Carab, Dagoodiye, Jajeele iyo Garre Ceelwaaq iyo Murulle. Markii dambe waxaa si cad ah u diiday shirka Mareexaan. Xataa Hiraab ka tuulooyin ka Kuunyo Barrow, Hoombooy iyo Turdho kama ay qeyb-galin. Shirkii wuxuu ku koobmay Absame iyo Harti gadaal ka hagayo oo ay barakaynayso Kenya iyo Ethiopia. Markay uu cadaatay mawqif ka adag ee Xakuumadda Federaalka ayaa Ethiopia iyo Kenya dib u gurteen. Jubaland waxay ka dhexaysaa beelahaas kor ku qoran; ayaga ayaa ka wada tashan karo.
• Qaabka shirka iyo goor ayna diyaarsanayn shiciyayntii lagu dhaqmi lahaa ayaa keentay Shirka Kismaayo in Xukuumadda Federaalka ah diiddo oo dib loo dhigo. Dad ka inay sameestaan xukuuma dooda lama diidin; balse waxaa la diiday shir aan loo dhammaynin iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa oo aan diyaarsanaynin.

Waa hakad un, balse Jubaland way dhismi doontaa!
Waxaa marag ma doonta ah inay Xubin Federaalka Jubaland ay dhismi doonto maalin maalmaha ka mid ah, balse isku daygan uu yimid goor wax yaabo badan oo loo baahan yahay ay diyaar ahayn. Sannad kan dhammaad kiisa Xubno Federaaleed oo tiradooda ay go’aan ka gaaray Komishanka iyo xuduudahooda ayaa la soo sharciyayn doonaa. Xubna haas Federaalka ka mid noqon doono ayaa dadka ay u samaysan doonaan xukuumado maxalli ah.

Inta ka horrayso Jubaland way feertay sida Xagaagii Xamar, Dayrta soo socoto ayay sogaysaa in Shirweyne si wanaagsan dawladda ay u hagtay loona agaasimay; beelaha si buuxda ay uga qayb-galaan; kuna midoobaan Reer Jubaland dhammaanay qabsadaan oo Xukuumaddii Maxalliga ah ee Reer Jubaland oo shacabku sammaysan doono. Ma foga Dayrta (Oktoobar – Diseembar 2013) oo ay Jubaland dib u soo muuqan doonto.

Markacadey.net Editorial


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments