By: Riwaan Haji //  Mar 08 2013 at 2:51 pm //  573 Reads  // Wararka Somalia

Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo looga yeeray kulanka barlamaanka “Warbixin”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Saacid1Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Saacid Faarax Shirdoon ayaa looga yeeray kalfadhiga barlamaanka Soomaaliya sida ay sheegeen xubno kamid ah barlamaanka.

Isagoo lahadlayay qaar kamid ah saxaafada ayaa xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ka hadlay kulankii ay mudanayaal barlamaanka katirsan ku yeesheen Muqdisho waxaa uu sheegay in Dr Saacid looga baahan yahay kalfadhiga barlamaanka si su’aalo loo weydiiyo.

Sidoo kale waxa mudanayaasha barlamaanka ay sheegeen in loo baahan yahay in sidoo kale Wasiirka Maaliyada uu barlamaanka hor yimaado si su’aalo loo weydiiyo.

“Maadaama aan nahay wakiilada shacabka, waxaan Ra’iisul wasaaraha iyo Wasiirkiisa Maaliyada weydiisanaynaa inay yimaadaan Baarlamanaka si ay warbixino uga jeediyaan hoos u dhaca ku yimid Doollarka iyo Maciishada oo sare u kacday” ayuu yiri Xil. Xasan Abshir.

Sidoo kale, mudanaha ayaa sheegay in dadka aysan ku filnayn lacagihii ay horay u heli jireen, taasna ay tahay dhibaato weyn oo bulshada isagoo intaa ku daray inay waajib tahay in Dowlada Somalia ay wax ka qabato arintaas.

“Dowladu waa inay wax ka qabato sarifka, waayo Dolarka hoos u dhaca ku yimid wuxuu saameynta ugu xoogan ku yeeshay dadka shacabka ah ee loo soo diro lacagaha, taasna waa mid ina xanuujinaysa” ayuu yiri Xasan Abshir.

Intaas kadib waxaa warbaahinta la hadlay isaguna gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka oo gudoominayay shirkii maanta, isagoo xusay in ganacsatada iyo mas’uuliyiinta Dowlada looga bahan yahay in su’aalo laga weydiiyo hoos u dhaca Dollarka.

Hoos u dhaca ku yimid Dollarka ayaa wuxuu saameyn xoogan ku yeeshay shacabka, waxaana dadweynaha Muqdisho ay aad uga cabaadayaan arintaas, iyadoo maalin walba ay lacago badan ka dhacaan Sarifka Dollarka.

Waa markii ugu horeysay oo sarifka Dollarka uu saameyn intaan le’g ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho, iyadoo deegaanada kale ee uu sarifka Dollarka ka yahay intiisii hore.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments