Xildhibaano iyo Wax garad kulan ka yeeshay xaalada Gobolada Jubooyinka
Xildhibaano iyo wax garad kasoo jeeda gobolada jubooyinka oo mugdisho kulan ku yeehaya loogana hadlayey arimaha goboladaasi ayaa waxa ay shirkooda ka soo saareen qodobo dhowr ah, ayagoona ugu baaqay dadka kasoo jeeda gobolada jubooyinka in ay taageeraan dowlada federaalka kuna dadaalan ilaalinta dastuurka.
Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in dadkii kasoo qeyb galay kulankaasi ay isku af garteen in shacabka kasoo jeeda gobolada jubooyinka ay ka shaqeeyaan sugida amniga iyo xasiloonida goboladaasi.
Maamul u sameynta gobolada jubooyinka ayaa u muuqaneysa mid jahawareersan ayadoona ay soconayaan shirar iska soo horjeeda oo lagu doonayo in maamul loogu sameeyo gobolada jubooyinka.
|
|


Print
