By: Riwaan Haji //  Mar 08 2013 at 2:44 pm //  460 Reads  // Wararka Somalia

Taliska Ciidamada AMISOM ee Gobalka Hiiraan oo faah faahin ka bixiyey xaalada amaan Ee Magaalada Beledweeyne

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Taliska Ciidmada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ka war bixiyey xaalada amaan magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Baladweyne Cismaan Dubad ayaa sheegay in xaalada magaalada Baladweyne iyo deegaanada kale ee ay ku suganyihiin ciidamadooda amaan wanaagsan uu ka jiro ayna ku dadaalayaan xakameynta amniga iyo xasiloonida Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in tirada ciidamada Jabuuti qeybtana ka ah howlgalka amisom ee jooga Gobolka Hiiraan oo tira yar owgeed aan la dhihi Karin baahida amaan ee Gobolka way dabooli karaan, hasa yeeshe waxa uu xusay in ciidamadooda ay ku dadaalayaan sugida amaanka Gobolda Hiiraan iyo Galgaduud.

Ciidamada jabuuti ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayagoona ku sugan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Amisom


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments