By: Riwaan Haji //  Mar 08 2013 at 2:39 pm //  638 Reads  // Wararka Somalia

Dowlada Soomaaliya oo dhaga ka fureesatay Qeylo dhaanta iyo ilmada ka daadaneysa Shacabka Soomaaliyeed

  • Share
  • Comments
  • Print Print


ciidamada dowladaDowlada Soomaaliya ayaa dhagaha ka fureesatay qeylo dhaanta kasoo yeeraysa Shacabka Soomaaliyeed oo aad uga walaacsan qiimaha sarifka isbadalka ku yimid iyo Dollarka oo meeshii ugu hooseesay maraya taariiqda dhaw.

Shacabka Qaarkood ayeyna saameyn badan arintan ku keentay kuwaa oo qaarkood noloshooda ku xirneed xoogaa lacago Dollar ay helaan balse markaan Dollarkii qiimo beelay noloshoodiina aad u adkaatay taa oo keentay in har iyo habeen qeylo dhaan aan la maqleyn u diraan Madaxda Dowlada Soomaaliya uu ugu horeeyo Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.

Sarifka Dollarka ayaa hada maraya halkii Dollar lacag dhan 14-Kun Shling Somali ah halka bilowga Sanadkana uu marayay 22-kun oo Shiling Soomaali ah iyadoona xusid mudan tahay in maalinbo maalinta ka dambeesa uu hoos usii dhacayo.

Shacabka ayaana ku eedeenaya in Qiima Dhaca sarifka ee ku lug leeyihiin shaqsiyaad manaxayaal ah oo dantooda fiirsada kuwaa oo maalina hoos u dhiga maalina kor u qaada Sarifka iyaga mar marsiya kaga dhiganaya in lacagtii Shiling Soomaaliga magaalada ku yaraaday iyo Dollarkii oo Magaalada kusoo batay.

Dowlada Soomaaliya ayaana ka hadasahy bilowgii uu bilowday Sicir bararkan iyagoona sheegay Madaxdii hadashay in wax badan laga qaban doono hasa ahaatee hadalkaas ayaa ku ekaa kaliya meeshii Saxaafada loogu sheegay mana la arag wax ficil ah ee sameesay Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya oo iyadu arintan u xil saran.

Shacabka ayaana hada ku daalay qeylo dhaan ilmo wadata kuwaa oon awoodin xitaa in banaanbax dhigaan si ee u muujiyaan dhibka heesta xaalada amaan ee kajirta Magaalada awogeed ,iyadoona Dareenka Shacabka iyo baahida ee qabaan aan wali laheyn wax jawaab ah ee Dowlada ka bixisay marka laga reebo Xildhibaano dhoor ah oo iyagu Warbaahinta ka sheegay hoos u dhaca Dollarka iyo saameynta uu ku reebay bulshada tabarta yar.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments