By: Mastar //  Mar 07 2013 at 10:55 pm //  1,046 Reads  // Wararka Somalia

Ciidamada Xoogga Dalka oo caawa ku hooyanaaya Degmada Ufurow, markii ay la wareegeen

  • Share
  • Comments
  • Print Print


CiidankaCiidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay caawa la wareegeen gacan ku heynta Degmada Ufurow ee Gobolka Baay, markii ay teggeen iyadoo aysan cidna gacanta ku heyn.

Ciidamada Qalabka Sida ee Qaranka oo garab ka helaaya Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay si buuxdo leh ay ula wareegeen gacan ku heynta Degmada Ufurow.

Wax dagaalo ah kama dhicin Degmada Ufurow markii ay la wareegayeen Ciidamada Dowladda iyo Amisom, maadaama ay Al Shabaab horey uga baxday Degmada Ufurow.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom ayaa waxay caawa si nabad leh ay ugu hooyanayaan Degmada Ufurow, waxayna maal maha soo socda ay ku sii jeedaan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumada Somaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa wuxuu Talaadadii la soo dhaafay uu sheegay, inay goor dhaw la wareegi doonaan Degmada Diinsoor.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments