Culimo caan ah oo caawa lagu dili gaaray Magaalada Boosaaso
Ilaa lix ka mid ah Culimada Al Ictisaam ayaa waxay caawa ka badbaadeen qarax bambaano, oo lagu doonaayay in lagu wax yeeleeyo, xilli ay ku sugnaayeen Masaajidka Al Rowda ee Magaalada Boosaaso.
Masaajidka Al Rowda oo ay Culimadaan ka wadaan Nadwo Diini ah oo loogu magac daray Xad gudubka Diinta Islaamka iyo Dhibaatooyinka ka dhalan kara, ayaa waxaa markaliya laga maqlay qarax xoogan.
Qaraxaan oo sameeyay jug xoogan ayaa waxaa cabsi geliyay Culimadii iyo dadkii ku sugnaa Masaajidka Al R owda, balse arinta layaabka leh ayaa waxay tahay, in iyadoo aysan ka dhalan wax khasaaro ah.
Sheekh Maxamed Macalin Axmed, Sheekh Faarax Maxamed Cajab, Sheekh C/Khani Qorane, Sheekh Axmed C/Samad, Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim iyo Sheekh Axmed Daahir Xasan, ayaa waxay kala yihiin Culimadii caawa qaraxaan lagu weeraray.
Ilaa iyo iminka majirto cid loo soo qab qabtay qaraxaan bambaano, balse waxaa weeyaan mid si weyn looga hadal haayo Magaalada Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari.
|
|


Print
