By: Mastar //  Mar 07 2013 at 3:52 pm //  610 Reads  // Wararka Somalia

Xildhibaanada Baarlamaanka oo laga qaadi doono ganaax lacageed, haddii aysan imaan fadhiyada Baarlamaanka

  • Share
  • Comments
  • Print Print


XilBaarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu bilaabayaa qorshe uu kula xisaabtamaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ee aanu soo xaadireyn fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu digniino uu u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka, wuxuuna ku baaqay inay soo xaadiraan fadhiyada Baarlamaanka.

Haddii aysan soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay in Xildhibaan kasta laga qaadi doono ganaax dhan, shan meelood hal meel mushaarka uu qaato.

Xildhibaanada ayuu sheegay in lacagtaan laga qaadi doono kolka uusan Xildhibaan kasta soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka, muddo dhan hal isbuuc, sida uu sheegay Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee dalalka dibadda ku maqan ayaa wuxuu ugu baaqay inay dib dalka ugu soo laabtaan, si ay uga badbaadaan ganaax lacageed oo lagu rido.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments