By: Mastar //  Mar 07 2013 at 3:41 pm //  1,853 Reads  // Wararka Somalia

Amiir ka tirsan Ururka Al Shabaab oo la dilay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Abu balaayoCiidamada Al Shabaab ayaa waxay raadinayaan askari ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib markii uu dilay Sheekh Cusmaan Cali Hurre, oo ka tirsan Amiirada Ururka Al Shabaab.

Amiirka iyo askariga ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaafaad, markii askarigaan lagu eedeeyay in uu ka gaabiyay Jihaadka, laguna baaqay in dhaqan celin lagu sameeyo, si uu dib markale uu Jihaadka uu uga soo dhex muuqdo.

Askarigaan ayaa wuxuu muddo toddobaad ah uu ku xirnaa Saldhiga Degmada Baardheere, iyadoo markaasi looga sheekeynaayay wax yaabo ku dhiira gelin kara in uu Jihaadka uu jeclaado.

Balse askarigaan ayaa wuxuu markii hore uu ka digay in la xiro, haddii la xirana uu ka shalaayi doono Sheekh Cusmaan Cali Hurre, oo isagu ka dambeeyay in ninkaan la xiro.

Askarigaan oo shalay galab la soo daayay ayaa wuxuu isla xalay uu Degmada Baardheere uu ku dilay Sheekh Cusmaan Cali Hurre, iyadoo xalay ilaa maantaba ay ku raad jooggaan Ciidamada Ururka Al Shabaab.

Xaalada Degmada Baardheere ayaa waxay xalay ilaa saakay ay ahayd mid aad u kacsan, inkastoo xilligaan xaaladu ay tahay mid deggan, laguna raad jooggo askarigaan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments