Al Shabaab oo hanjabaado kulul u jeedisay Ciidamada Wadanka Sierra Leone
Al Shabaab ayaa waxay ka hadashay boqolaal ka tirsan Ciidamada dalka Sierra Leone, oo dhawaan lagu wado in la keeno dalka Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan dagaalada ay Dowladda kula jirto Ururka Al Shabaab.
Madaxda Dowladda Sierra Leone ayaa waxay sheegeen inay taageero xoogan siinayaan Dowladda Soomaaliya, si ay u soo gaba gabeyso dagaalada culus, ee ay kula jirto Xoogaga Shabaab.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen, ayaa sheegay mar uu ka warbixiyay ciidamada Sierra Leone ee lagu in dhawaan inay soo gaaran magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mida gobolada dalka in Alshabab u diyaariyeen ciidamadii la dagaalami lahaa.
Sidoo kale Sh.Cali Maxamed Xussen ayaa waxaa uu sheegay in marka ay ciidamadaasi ka socda Sierra Leone ay soo gaaraan gudaha dalka ay ka hor tagi doonaan guuutooyin ciidamo Shabab ah.
Sheekha ayaa wuxuu kaloo ka hadlay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in duqaymihii ay muqdisho ka geesteen ay sidii ay ugu talo galeen u fushay,waxaana uu tilmaamay in duqaymahaasi ay ka gaysteen qaybo kamida madaxtooyada soomaaliya iyo warshada Caanaha ,Gubta taasi ay guulo ka gaareen.
|
|


Print
