Shir looga soo horjeedo xagjirnimada oo ka dhacay Magaalada Jowhar
Shir ballaaran oo si weyn looga soo horjeedo xagjirnimada ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay soo qaban qaabisay Hay’adda CCD, waxaana ka soo qeyb galay dhinacyo badan.
Guddoomiyaha gobolka Cabdi Jiinow Calasow oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay iskaashi ay yeeshaan bulshada gobolka ku dhaqan iyo maamulka, si aan fursad loo siin kooxaha argagaxisada inay afkaar gurracan ka dhaadhiciyaan dhallinyarada.
Jiinow wuxuu sheegay in dhowaan maamulka gobolka uu qaban doono kulan ay ka qeyb-gali doonaan madaxda qabaa’illada dega gobolka, odayaasha dhaqanka iyo culumada si looga wada-hadlo mawduuca la xiriira ka hor-tagga xag-jirnimada.
Odayaasha ka qeyb-galay kulanka ayaa soo dhoweeyay kulanka, waxayna ballan-qaaadeen inay ka qeyb-qaadan doonaan nabadda, wacyi-gelinta dhallinyarada iyo dib u soo nooleynta adeegyadii burburay ee gobolka.
Qaar ka mid ah odayaasha ayaa sheegay in laga baxay xilli adag oo maleeshiyada al-Shabaab ay cabburisay xorriyadda hadalka, ayna kala qeybisay odayaasha gobolka.
|
|


Print
