By: Jacfaryare //  Mar 07 2013 at 9:08 am //  2,166 Reads  // Wararka Caalamka

Nin Xaskiisa oo dhali rabtay Isbitaalka u qaaday oo lama arag iyo lama maqal qabsatay (Daawo Muuqaal+Warbixin)

  • Share
  • Comments
  • Print Print


DHALIDWaalidiin ku nool dalka Mareeykanka gaar ahaan magaalada caanka ah ee New York ayaa waxaa qabsatay nasiibdaro weeyn ka dib markii mid ka mid ah uu wacay Isbitaalka una sheegay in uu soo wado Xaaskiisa oo u dhali rabto cunugii ugu horeeyay ee uu ifka arko.

Waalidiintaan oo lagu kala magacaabo Nathan iyo Raizy waxeey labadaba ahaayeen 21-jir heeysta diinta Orthodox-ka loo yaqaan .

Farxadii Waalidiintaan oo murugo isku badashay intii aysan soo gaarin Isbitaalka ayaa gaari ay wateen waxaa wadada ku qabsaday Shil sababay in ay geeriyoodaan balse cunigii yaraa ee dhalan rabay oo la bad baadiyay ayaa isna saacado ka dib Isbitaalka ku geeriyooday.

Gaarigii ay wateen Waalidiintaan oo ahaa nuuca loo yaqaan BMW-ga ayaa saaid u bur buray balse waxaa cajiib noqotay ninkii shilka galiyay ama ka qaldanaa Lamaanahaan geeriyooday oo watay gaari Toyota ah ayaa lugihiisa ku baxsaday waxaana kiiskiisa baaritaan ku haya ciidamada Booliiska.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments