Dowladda Somaliya oo sheegtay in Diyaarada Qatar Airways ay ka shaqo bilaabeyso Magaalada Muqdisho
Dowladda Somaliya ayaa waxay soo dhaweyneysaa in diyaarada Qatar Airways ay ka shaqo bilowdo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, markii ugu horeysay.
Raa’isal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Xukuumada Somaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo galabta Saxaafada kula hadashay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay sheegtay in diyaarada Qatar Airways ay ka hawl bilaabeyso Magaalada Muqdisho dhawaan.
Raa’isal Wasaare Ku Xigeenada maysan sheegin xilliga rasmiga ah ee ay Magaalada Muqdisho ka hawl bilaabeyso Qatar Airways, balse waxay sheegtay inuu ka soo horeyn doono Amiirka Qatar.
Amiirka dalka Qatar Sheekh Xamad Bin Khalifah, ayaa waxay Fowsiya Yuusuf sheegtay in uu imaanaayo Magaalada Muqdisho, isla-markaana waxay sheegtay in uu ku imaan doono si deg deg ah.
Qorshaha diyaarada Qatar Airways ay uga hawl bilaabeyso Magaalada Muqdisho, ayaa timid kulan Magaalada Doha ku dhex maray Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka dalka Qatar Sheekh Xamad Bin Khalifah.
|
|


Print
