By: Riwaan Haji //  Mar 05 2013 at 2:30 pm //  847 Reads  // Article & Opinion

Ama Codkiina ha la maqlo ama isaga baxa baarlamaanka!

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaan xasuusnahay annagoo u socona shirkii Nairobi 1994kii ayaa Gen. Caydiid waxuu u wacay Alle ha u naxariistee Col. Max’ed Raajis Max’ed oo markaas ahaay guddoomiye u ahaa ururka reer Benaadir (SNU), annaka oo dhalinyaradii la socotay ah waa nala celiyay askartii Caydiiad aa albaabka oryeteeshinka Xamar-weyne nalagu celiyay, waa diidnay waxaan u sheegnay annaga ninkaan ma ka harayno, laakiin nin oo bunduukh wato waa kaa xoog badanyahay Dr. Raajis oo asaga naftiisa askari ahaay waa nagu khoslay Alle ha u naxariisto waa noo caqli celiyay, af talyaani aas waxaas nagu dhahay “ Hey ragazzi, ascolta me ben,. P rimo di tutto , fare attenzione a voi stessi, non ti preoccupare, la so, lui e’ pazzo anche lui puo’ uccidere, ma cosa possiamo fare?! Niente, stare lontano e’ spettare, niente di piu’…”

Markaan imaanay hanuunta degmada Xamar-weyne ay askartii nagu soo jeesatay, waxy na dhaheen adinka iska noqda Raajis aa la rabaa, markaas Dr. Raajis Alle ha u naxariisto asagoo ka cabsanaaya askarta uu af talyaani nagu dhahay”Dhalin yarada, si fiican ii dhagaysada, marka hore naftiina ilaaliya, waxba ha walwalina, xataa waa ogahay wuu I dili karaa, laakiin maxaan samayn karnaa hee?! WAXBA!…” markaas Maxkamad kaleeto ma jirto Cali Mahdi aan aadnay, haddaa sidii oo kale Cabdi-kariim xuseen guuleed wasiirka gudaha iyo amniga qaranka aa ka xanaaqee Xasan aadee!….waqtiga sidii isugu egyahay fiiri wax is bedelay ma jiraan meesheedii ay Soomaaliya joogtaa.

Raajis maalintaas wuxuu ii sheegay in Gen. Caydiid uu bistoolad ula soo baxay, oo uu ku handaday “Raajisa nin askri ah aa tahay, aniga tan aan dalka ku qabsaday, Cali Mahdina mar dhow dalka waan ka saarayaa, marka aniga kuma dilayo laakiin haddii aad iga hor leexan weysid waxaan u malaynaa adigaa taqaanid, waxaan ku dhihi lahaa SNA soo gal, shirka Nairobi adigoo SNA ah umow..” buu ku yiri.

Maanta Federal-ka uu madax-weyne Xasan rabo waxaa waaye Shangaani waxaa guddoomiye looga dhigaa Cabdikariin wiil aas adeer u yahay, aaway balan qaadkii Afgooye uu ka qaaday gudoomiyaha adinka keensada aaway? Maalin kasta been, January 20,2013,Ra’iisal wasaaraha Saacid iyo wasiirka arrimaha gudaha waxay balan qaadeen in dadka Afgooye maamulkooda iyaka loo dhaafi doono, subuxii ku xigay (January21,2013) wareegta cusub ay soo saareen ay leeyihiin maamulada gobolada iyo degmooyinka wasaaradda arrimaha gudaha baa soo magacaabee…BEENTAAS..Khayaanadaas fiiri, maxaa loola yaabaa haddii Jubbaland ay diido? Maxaa loola yaabaa haddii Hiirraan diido? Galgaduud, maxaa loogula yaabaa?!

Somaaliland iyo Puntland dad wax gartay, dad ku daysho leh waaye, Soomaali waxay ku maahmaahdaa Tukulishkii Tmirta Waayay Ufaas Yiri, madaxweyne Xasan waxaas ku waashtay “dastuurka wuxuu dhahaayaa laba gobol iyo wixii ka badan oo is oggol maamul waa samaysan karaan, laakiin labo qabiil ma dhihin” warkaan wax loola yaabo waaye maxaa jira Somaliland qabiilo aad u badan aa ku midowday, Puntland dastuurka uu rabo inuu ku xaqiro iyada wax ka samaysay, marka taas macnaheeda waxaa waaye madaxweyne afaara qabiilka adigaa wadid ee iska dhaaf, federalismka khaado, si niyad ah u khaado.

Reer Benadir xaqooda sii, reerkiina xaqooda sii, kuwo Galgaduud ka yimid gobolkiina taga maamul dhista dheh, haddii kaleeto awoodda Benadir ay ku yeelnaayiin reer ahaan idinka ha idinla khaybsadaan, cadaaladda saas waaye, Jubbaland iska dhaaf maamulkooda ha samaystaan, Bay iyo Bakool iyo Shabeelha hoose iska dhaaf maamulkooda ha samaystaan, Ximin iyo Xeeb iska dhaaf maamulkooda ha samaystaan, dadka Soomaaliyeed colaadii waa iloobeen adiga hadda ha u bilaabin, Xamar mar dhow aan ka tegay waan arkay dadka kula shaqeeya iyo adiga madaxweyne Xaasan sidaad u shaqysiin cadaawad bay dhalanaysa wax kale ma soo kordhinayso, dadka xornimadooda u dhaaf.

Aniga wali waxaan fahmi la’ahay madax-weynaha waxa daba dhigay dastuurka iyo federal-ka! Yaabka yaabkiisa! Arrinta Soomaali ay u taalaa madax-weyne adigana qofkoo aa ka tahay, Parliament –ka aa maalin kasta taagantahay, waxaana ognahay in shakhada golaha shacab laga rabo ay tahay inii ay diyaariyaan qaabkii iyo nidaamkii ay dad-weynaha cod ugu khaadi lahaayeen dastuurka, iyaga wax kaleeto meesha ma u yaalaan been yaan laysku sheegin, sided bokhol iyo siyaado aa ansxisay dastuurkaan oo odayaasha dhaqanka ah marka waxaa loo baahanyahay in dadka la hor geeyo ee golaha shacabka waxaa laga rabaa inii soo diyaariyaan nidaamkii lagu shakheyn lahaay.

Tastuurka waxaa qoraayaa in heshiisyahda dalalka shisheeyaha ah lala gelaayo ay dowladaha federaalka ah wax ka ogaadaan (ani ma dhahaayi maamul goboleed, waxaa waaye ereyga saxda Dowladaha Federal-ka ama Dowlad Goboleedyo waaye) marka ma khaadanayno warka nin rabo inii uu Max’ed Siyaad Bare camal iska dhigo, mana soconayso, Siyaad Bare xoog buu ku yimid adiga Xasan Shiikh anagaa kuu garanay inii aad madaxweyne noqotid marka adigana waxaa iska dhigeyasaa xoog inaad ku timid.

Xubnaha Parliamentka ku jiro oo dadka laga badanyahay ah waxaan ugu baaqaa cabsi xal ma noqonayso, waa lagaa badanyahay xaqaaga ma looga cararo, 22sano wixii aan soo marnay waa laga war haayaa, haddii nidaamka federalka la diido banaanka ka istaaga parlaimentka, sharafkiina ka xigsada, aduunka ha din maqlo, ha idin arko, hubka uu Xasan Shiikh hadda raadsanaayo adinka aa la idin raadsanaayaa, Garoowe ma aadaayo, Hargaysa ma la aadaayo, Kismaayana ma la aadaayo, Xamar, Shabeelaha hoose, Bay iyo Bakool buu la aadaa, guddoomiyaha parliamentka Mr. Jawaari, mar hore uu iska xarooday jeebka Xasan uu ku jiraa, marka mustakhbalkiina iyo ilmihiina u tashada, banaanka ka istaaga dadkaan, ugu baxa barlamaanka codkiina baa maalin kasta isku dulminaysiin.. aad aan uga xumahay.

Reer Afgooye wali waa khaylinaayaan qofkoona ma u jawaabin, Bay gudoomiyihii xoog oo looga qaaday maantana xilka uu wareejiyay xafald oo makhaar saar ah aa xil ka wareejinta loo sameeyay, Shariif Xasan waa cabsanaayaa Nairobi ma soo dhaafi karo, marka maxaa la sugaa in biyihii nala ka gado ma ahoo?! Dadka parlamanka ku jiro haddii baqdiin dadka been ha u sheegina, banaanka soo istaaga warkiina cadaysta… Somali Federalism Ha hirgasho, Dadka Inay tashtaan Ha Hir Gasho, Soomaaliya ha noolaato.

Wa-billaahi towfiiq.
Mohamed Cali Shooble.
MShooble@yahoo.com

somali-map


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments