By: Jacfaryare //  Mar 05 2013 at 6:42 am //  1,218 Reads  // Wararka Caalamka

Haweenay ku qarisay Meydka Ninkeeda Guriga muddo dheer waa maxay sababatu?

  • Share
  • Comments
  • Print Print


guri
Police-ka magaalada Hong Gong ayaa sheegay in baaritaan dheer ay sameeyeen iyagoo la kaashanayay dad deris lahaa haweeneyda ay ku ogaadeen in ninku uu dhintay sanado ka hor balse haweeneydu ay qarineysay geerida ninkeeda.

Dad badan oo ku nool caalamka ayaa la yaabay Haweeney da’ ah oo u dhalatay dalka Shiinaha oo degeneyd magaalada Hong Gong ayaa qarineysay dhimashada ninkeeda 12 sano, sababta ayaana lagu sheegay in ay dooneysay in ay sii degenaato gurigii ay wada degnaayeen oo kirada ay dhiibi jirtay xukuumadda kadib markii ninkeeda uu noqday howl gab isagoo u shaqeyn jiray dowladda.

Haweeneydan oo 79 sano jir ah ayaa ka hor qiratay Maxkamadda in ay iyada saxiixi jirtay warqadaha rasmiga ee ay usoo diraan xukuumadda ee ku saabsan guriga kadib markii ay baratay qaabka uu wax u saxiixi jiray seygeeda ama ninkeeda si aysan u waayin guriga ay degeneyd ee ku saxiixnaa ninkeeda.

Haweeneydan ayaa kiiska lagu soo eedeeyay waxaa lagu sheegay in uu ahaa qiyaano iyo saxiixa ninkeeda oo ay isticmaashay oo ay usii dheer tahay been ay sheegtay inta uu socday baaritaanka lagu ogaaday geerida ninkeeda.

Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay isagoo eegaya qirashadeeda iyo da’da ay jirto in laga cafiyay mudada dheer ee xabsiga ee lagu fulin lahaa dambigeeda balse waxaa lagu xukumay 4 bil oo xarig ah.

Dad badan oo ku nool dalka Shiinaha ayaa sheegay in markii hore ay layaabeen haweeneydan qarisay dhimashada ninkeeda balse marka maxkamaddu ay xaqiijisay sababta ay u qarisay ay qireen in ay ku sax saneyd in ay qariso, maxkaamdda ayayna ku eedeeyen in haweeneydu ay aheyd in laga sii dhiibo kirada guriga xitaa haddii uu geeriyoodo seygeeda maadaama uu isaga xukuumadda u shaqeyn jiray sanado badan.

Arimaha nuucan aha ayaa lagu arkaa qaar ka mid ah Dadalka caalamka oo qisooyin cajiib ah ay kadhacaan in kasto oo ay haweenaydaani ahayd mid qaabsiyaasadaysan u adeegsatay geerida ninkeeda ayaa hada waxaa dhaca kuwa sidaas oo kale qariya geerida qofka ay nolo wadaaga yihiin arimo la xariira jaceyl iyo qaar kale.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments