Fanaanka Ahmed Rasta Ayaa Soo Saaray Heesta Ubaxii Caashaqa Muuqaalkeeda Ee Daawasho Wanaagsan

Fanaanka Ahmed Rasta ayaa soo saaray hees muuqaalkeeda in badan la wada sugayay oo wadata muuqaal, iyo cod is wata waxaana heesta magaceedu yahay Ubaxii Caashaqa.
Ahmed Rasta oo heestan ugu tala galay ama u qaaday xaaskiisa uu jecelyahay Yasmin, waa hees ka duwan heesihii aan horey u maqli jirnay marka laga eego dhinacyo badan, ha ahaato ereyada iyo micnaha dhabta ah ee heesta loola jeedo iyo qofka ay ku socdaan ereyadan jace.
Abwaan Mohamud Burhan ayaa maskaxdiisa kasoo shiilay, halka uu isla Ahmed Rasta uu laxameeyay, waxaa musiga cajiibka ah saaray Legend Ahmed Salah Qasin iyo ugu danbeyn qaabka qurxoon ee aan ka dheehan karno heestan waxaa sameeyay oo shaqo iyo maskax geliyay Ahmed Ugaaska oo aan runtii ka wada dharagsanahay heerka uu ka gaaray farsameynta muuqaalada casriga ah.
|
|


Print
