By: Riwaan Haji //  Mar 04 2013 at 1:59 pm //  1,393 Reads  // Article & Opinion

Sakaraad ka Somaliland iyo Soo-Ifbaxa Soomaaliya.

  • Share
  • Comments
  • Print Print


somali-mapGu’yaal labaatan iyo dheeraad ayay jirtaa Somaliland. Dadaal faro badan oo gudaha, dibadda iyo caalami ah ayay ku bixisay si ay u gaarto madax-banaani buuxda. Dhagax kasta way rogtay si ay u gaarto madaxbanaani iyo inay noqoto waddan waddamada Afrika ka mid ah sida Koofur Suudaan ama Eretriya. Nasiib-darro ama nasiib-wanaag, dadaal kaasi waxba ma dhalinin oo fikradda Soomaaliland oo xor ah way ka gadmi waysay caalamka iyo shacabka Soomaalida ah.

Dadaal kaasi wuxuu soo afjarmay ka dib markay Beesha Caalamka ku qanceen inay Somalia ahaato hal waddan oo aan kala go’i karin, balse la darsayo sababaha dhaliyay inay Reer Somaliland gaaraan heer ah inay ka baxaan midnimadii 1960 kii. Dhinaca kale, dad ka Somaliweyn mar kasta way u caddeed in ay suurta gal ahayn wax ka yar Somalia oo ah dhulkii madaxbannaanida ka qaatay Ingiriiska iyo Talyaaniga 1960kii. Marna Soomaali ma oggolayn inay kala go’do haddii laga reebo dad yar oo ku wareeggan Hargeisa, dad kaasoo xanaaq iyo dulmi loo geestay ka faro batay. Xataa waxaa hubaal ah Gobolka Awdal inuuna la qabin kala go’a Soomaaliya.

Haddaba maxaa la habboon Somaliland?
Somaliland waa inay dhabta aragtaa oo ay samayso sida qeyb laxaad leh uga qaadan lahayd inay noqoto mid ka mid ah Is-Maamulada xubnaha Federaal ka ah noqon doono oo ay bilowdo la tashi dad keeda gudaha ah iyo Soomaaliya iyo gorgorton ay la galayso Dawladda Federaal ka Soomaaliya. Waxaa u suurta gali kara inay Is-Maamusho oo ay la harto arrimo badan sida is-maamul hoosaad oo leh baarlaman (sharci-dejin), Gole Fulin – Wasiirka Koowaad oo Maamul-Goboleed ka ugu sarreeyo (oo aan ahayn waxa maamulada hadda jira waxa ay sheegtaan sida Madaxweyne) iyo Judisari oo ah hannaan maxkamadeed oo kala sarreeyo. Waxaa si gooni ah ay u maamulan kartaa caafimaadka, waxbarashada, horumarinta, adeegga kale ee bulshada, is-xukunka oo ah awood qaybsi. Awooda qeyb ka mid ah waxaa leh Xamar, qeybna iyada ayaa leh. Sidoo kale waxaa la qeybsanayaa khayraad ka dabiiciga ah. Waxaa laga mid noqonayaa dhinaca lacagta, Ciidanka Xoogga Dalka iyo ka qeyb-galka Dawladda Dhexe 3deeda qeybood iyo wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Jinsiyadda iyo muwaadin-nimada oo Soomaali ah.

Somaliland waa in dib loo qeexaa oo loo hindisaa!
Somaliland hadday ku sammaysantay la dagaalan dulmi, cabburin iyo xurriyad, ma loo oggolaan doonaa iyada inay mar keeda dulmiso dadayow kale sida Khaatumo iyo Maakhir. Dad ka Maakhir iyo Khaatumo way diiddan yihiin inay xukunto Soomaaliland sida Soomaaliland ay ka dagaalantay caddaalad darro, ixtiraam la’i iyo dulmi guud. Taas waxay keenaysaa inaan Soomaaliland lagu qeexo dad ka raba oo kali ah oo aan lagu qeexin Gobolkii ka xorroobay Ingiriiska 1960 gii. Waxaa cad inay ka soo baxayaan oo gooni u istaagayaan dad ka Reer Maakhir –Khaatumo!

Weli isku-darsan Soomaaliland iyo Soomaaliaya ma dhawa!
Waxaa hadda Dawladda Federalka ee Somalia waddaa sammaynta Is-Maamulada xubnaha ka noqon doono Federaalka Soomaaliya tirade iyo qaabka loo hagaajin doono. Sharciyeen ayaa ka horraysa wax kasta, komishanka xududaha Is-Maamulada ayaa la sammayn doonaa oo go’aan ka gaari doono tirade Is-Maamulada iyo xuduudahooda. Haddana waxaa xiga wada-tashi lala sammayn doono Is-Maamulada dad kooda iyo gorgorton siyaasadeed iyo aragti dhaqaale inay ku salaysan yihiin Is-Maamulada Lixda ama Toddobada ah ee soo bixi doono si ay u sammaysaan Federaalka Soomaaliaya.

Sida gorayadii madaxa bacaadka la gashay!
Runta lays kama qariyo. Dad yar ayaa ka dhaadhici la’ inay Soomaaliland ay kuftay dibna u soo noqonaynin iyadoo madax bannaan. Soomaalida badan keed way arkaan oo ay aaminsan yihiin ina wadiiqada kaliya oo u harsan Soomaaliland inay tahay inay ku gorgortanto sida ay xubin Is-Maamul ah u noqon lahayd. Taas ayaa ah waddada dhabta ah oo ay horumar ku gaari karaan Somaliland. Haddii taas la waayo xanuunka ayay isku dheereenayaan – sakaraat kuna in badan ayuu u soconayaa. Dabcan sakaraatka waxaa xiga dhimashada fikradda Somaliland oo xor ka ah Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

By: Eng. Abdulkadir Abiikar Hussein; qaadir.abiikar@hotmail.co.uk


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments