Eedayntii Dhibanaha (blaming the victim)
Qoraalkan waxaan ku soo koobeynaa qaar ka mid ah xaalladihii ka jireen Somaliya iyo wax yaabo muhim ah oo ka dhacay wadanka 50kii sano ee la soo dhaafay.
Dadka Somaliyeed, muddo dhowr iyo 20tan sano ah waxa ay ku jireen wareer, welwel, , nabad gelyo la`aan, dhac iyo boob iyo wax yaabo badan oo caqligu diidayo.
Nasiib darro kasta oo dhacda waxaa la yiraa qadarta ayaa keentay, misana waxa waliba, inta badan, sabab ay leeyihiin ee ma aha sida dhagax circa ka soo dhacay oo kale.
Runtu waxa ay tahay dhibaatada ka dhacday Somaliya, dadbaa masuu`l ka ahaa.
Misana waxaad arkaysaa kuwii Somaliya dhibka ku hayey oo qaranimadii dhaawacay ayaa misana afka labadi yeerinaya oo hortaagan in Somaliya ka soo kabsato dhibkii ay masuu`lka ka ahaayeen.
Somaliya waxay gumeysigii yurub ka xorooday sannadkii 1960kii, oo waxa is raacay laba gobol oo Tayaani iyo Ingris kala haysteen. Waxaa loo bixeyey Jamhuuriyad Somaliya. Ummada somaliyeed aad ayey ugu farxeen gobannimada la helay, dadka intiisa badani danta keliya oo ay lahaayeen waxa ay ahaayd in laga xorobo gumeysiga. Nasiib darro hogaamiyaashii talada qabtay waxa ay ka dhamaan waayeen qabyaalad musuqmaasuq iyo nin waliba tolki u xusul duub.
Matalan, Somaliya lixdamaadkii waxaa ka jirey 8 gobol iyo 48 degmo. Waxaa diiwaan gashan oo la ogyahay in 48daad degmo ay taliye degmo –bolis ka ahaayeen 99% saraakiil isku reer ah, oo dhamaantood ku reer ahaa taliyihii cidanka boliska, jeneral Maxamad Abshir Muuse.
Hay`adda kale oo aad dhibku uga taagnay waxa ay ahayd wasaaraddii tacliinta. Wasaaraddda qadkeeda dhexe waxaa haystay dad isku hayb ah oo intoda badani ka soo jeeday gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug. Degmooyinka wadanku inta badan ma lahyn Dugsi dhexe iyo mid sare toona kacaankii 21kii octobar 1969 ka hor. Ardadu marka ay dhameystaan dusiga hoose waxa ay soo aadi jireen Xamar ama gobolka ugu dhaw si ay tacliintooda u sii wataan, hase yeeshee ardayda ka timaad degmooyinka qaarkood dugsiyada looma ogoleyn. Taasina waxa ay ku salaysnayd dagaal qabiil, oo qabil gaar ah lagu duudsiinayu xuquuqdood wadaninimo. Taas waxa ka daran waxa barashada ardayda loo diidayeey waxaa lagu maal gelijiray canshuurta dadweynuhu dhiibaan?.
21kii octobar 1969, waxaa xukunkii dalka la wareegey cidaankii xooga dalka iyagoo ka faa`iidaystay maamul xumadi wadanka ka jirtey. Waxaan shaki ku jirin 7dii sano ee ugu horeysey in kacankii wax badan qabtay sida: qoraalka Af somaliga, ballaarintii Jamacad ummada, dhismihii dugsiyo fara badan iyo weliba in degma walibu yeelato dugsi hoose iyo mid dhexe, gobol walibana yeeshay dugsi sare. Waxa ay ahayd horumar wayn oo cajiib leh. Nasiib darro 10sano ka dib, somaliya wax ay ku noqotay siddi arintu ahayd 10sano ka hor iyo ka daran. Laakin maxaa keenay?
Waxyaabihii xoojiyeey, qabyaaladda , musuqmaasuqa iyo ku takri falkii xuquuqda bani aadanka ee maamulkii Maxamed Siyaad 10kii sano u danbeysey waxaa ka mid ahaa Jeneral Moxamed siyaad Barre iyo raggii ku wareegsanaa iyo kuwiii dhegta waxa ugu sheegi jiray oo kalsooni darro ku dhalatay ka dib markii la ogaaday in dad intooda badani ka soo jeeday Mudug, Nugaal iyo Bari ay maleegayeen afgenbi. Arrintaas waxa ay bilaabeen 1975 mar Somalida inteeda badni kacanka kalsooni ku qabeen. Cabdillahi yusuf, oo ka hadlay arrintaas wuxuu qoray: in kasta oo afgenbigu dhacay1978, abaabulkiisu wuxuu bilowday dhamaadki i1975kii bil kadib markii aan xabsiga ka soo baxay…….Maalin malmaha ka mid ah, ayaa Cirro wuxuu ila soo yeeshay xiriir aan toos ahayn. Wuxuu ii soo diray sarakiil dhalinyaro ah, kuwaas oo i soo gaarsiiyey fariintiisaii. Nuxurka farrintaasi waxay ahayd in ay ka go`nayd in ay afgenbi sameeyaan oo siyaad barre Xukunka ka tuuraan, A. Yusuf, 2012. Pp 100-101).
Cabdullahi, markii uu arkay qorsha xumadii ababulka afgenbiga ayow Cirro kula taliyey in arrintaas dib loo dhigo. Qorshaha Afgenbigu wuxuu ahaa mid qabiil gaar ahi wato. Ragga Cabdullahi loo soo diray, cirro iyo kuwii cabdullahi la tashaday sida: Abshire Muse, Xirsi bulxan iyo Yaasiin Hurfe dhamaantood waa rag isku Jilib hoose aha. ALLA ummada Somaliyeed ka badbaadiyey. Laakiin, maxaa dhib aha oo dadkaas hayey? Waxay ila tahay hal arrin uun bey ku soo uruureysaa; cadkii aanan cunaynoo ku ciidayey.
Ma oranayo damacaas waallan keliya ayaa dhaliyey mamuul xumadii faraha ka baxday ee dawladii Maxamed siyaad, laakin waxaan is leeyahay qayb waynbay ka ahayd. Muxamud Sh. Cusmaan (Cirro) iyo Cabdullahi Yusuf mar kale ayey afgenb isku dayeen. Kaasu waxa uu ahaa afgenbigii dhicisobey 9 April 1978kii oo uu hogaaminayey Cirro, markii danbana loo toogtey arrintaas. Cabdullahi Yusuf waxa kale uu qoray in la doonayey in uu afgenbiga hogaamiyo, dhaqaalana uu u uruuriyo. Ma aha oo keliya in raggaasu doonayeen in ay afgenbiyaan maamulkii Maxamed Siyaad, Laakin waxa kale oo muuqata in ay qiyaamo qaran Galeen. Cabdullahin Yusuf, markii afgenbigii dhicisowbey asaga iyo lix sargaal oo ay isku reer ahaayeen ayaa Kenya u baxsaday.
Kenya dadkii ay kula kulmeen Waxa ka mid ahaa Xussein Ali Ducaale oo ahaan jirey safiirka Somaliya u fadhiya Kenya. Ducaale, buugiisa, “from Barre to Caydiid” waxa uu ku qoray in Cabullahi Yusuf u sheegay “ asaga ( cadullahi) iyo G/Sare muxamud Sh. Cusmaan (cirro) ay masu`l ka ahaayeen in cidaankii Xogga dalka Somaliya waxa horu mar aha ka sameyn waayeen dagaalkii Itoopia laggu jirey 1977dii. Ducaale waxa uu qoray ( …. the Mjeerteen officers decided to sabotage the war effort. Colonel Abdullahi Yusuf, commander of the Sidamo Front, told me in April 1978 after he defected to kenya with six senior Majeerteen officers, that he together with Colonel irro (Cirro), chief of staff of the Hararghe front, were the sole cause ofthe Somali army not moving between Sept. 1977 to January 1978, giving breathing space to the Ethiopian Army to receive the new sovient weopons and learn how to use them, H. Duale 1994, p. 96).
Maamul xumadii Maxamed Siyaad dawladisii iyo damacii waalnaa ee reer Puntland waxa uu sababay in jabhada fara badani dhashaan ugu dambaystiina qarankii burburo oo sharcigii iyo kala dambeystii gacanta ka baxaan. Dawladdii Maxamed Siyaad waxay dhacday 26 Janaayo 1991.
Ka hor intii aysan burburrin dawladii Jenaral maxamed siyaad waxa uu isku dayey in xuxunka ku fara adaygo. Taasi waxyeelo xun, bubur iyo xasuuq ayaa ka soo gaarey shacabka Sommaliyeed, waxa ku lumay naf iyo hanti badan oo daaku lahaa.
Dagaalkii, Maxamed Siyaad Barre Xamar loogga saaray waxa hormuud ka ahaa ururkii USCda oo qabiilka hawiyahu u badnaa, laakiin waxa la socday Jabhadu kale sida: SPM oo Axmed Cumar Jees hogaaminayey, Waxa kale oo la hubeyey rag ku abtirsada ururkii SSDF ee cabdullahi Yusuf Itoobia ku sameyey. Raggii la hubeyey waxa madax ka ahaa Jeneral Maxamed Abshir. (Ururkaasi intisa badan waa burburay markii dawladii Maxamed Siyaad barre lacag la dhex gashay. mashruucaas waxa madax ka ahaa Xasan abshire iyo morgan).
Nassib darro dadkii la hubeyey oo ku abtirsanayey ururka SSDF waxa ay xasuuq ka gesteen Magalada Xamar. Isbartiibada kubada cagta ee stadio banadir wax laga soo saaray ugu yaaran 200 oo qofood oo lagu xasuuqay. Arrintaasi waxa ay keentay cawaaqib xumu ahaayd in dagaalki qabiil isku bedelo. Taasina waxa ay keentay dilal aargudsi ah oo aan lagu tala gelin.
Burburkii dawladii Somaliya kadib, wadanka intiisa badan qabqablayaal dagaal ayoow gancanta u galay.
Dhawr mar ayaa la isku dayey in dawladu meel ku gaar ah la sameeyo sida:
1991 Cali Mahdi Maxamed (Madaxweyne)
2000 Cabdulqasim Salad Xasan (Madaxweyne)
2004 Cabdullahi Yusuf (Madaxweyne)
2009 Sheikh Sharif sh. Axmed (Madaxweyne)
10 Sept 2012 Xasan Sh. Muxamuud (Madaxweyne dawlad rasmi ah)
Dawladahaas meel ku gaar ahaa mid waliba waxbaa lagu xusuusta oo ay ka tagatay.
Laakin arrinta u weyn ee xasuusta leh waxa ka tegay Cabdullahi Yusuf Axmed.
Cabdullahi, inkasta uu ahaa nin xukun jecel, misana waxa cabdullahi laabtiisa ku taagnaa qabiilkaada waa laga adkaade sideeba sharaftiisi u soo celisa. Cabdullahi waxa laga hayaa dokomenti muuqaal ah (video) oo u jeebkiisa xabad (bullet) kala soo baxay. Cabdullahi xilliggaa tolkiisa ayow kula shiraya Nairobi. Cabdullahi waxa uu wacad ku maray in sharafkii tolkiis uu ku soo celi doon xabad. Runtu waxa ay tahay, cabdullahi waa isku dayey in uu ka dhabeeyo wacad kiisi, lakiin waxaad u mooddaa in uu dhamestiri waayeey. Cabdullahi markii loo doortay, Madax weynaha ku meel gaarka ah ee somaaliya, isla markiiba wuxuu raadiyey ciidamo ajnabi ah oo ku fuliyeey wacadkiisii. Asagoo ka faa`idaysanya mashruuca argagixisa la diriirka ee reer galbeedka waxaa uu nasiib u yeeshay in cidamo fara badan oo Itoobian ah Somaliya loo soo diro. Cidanka Itoobia waxa ay xasuuq ka gaysteen Somaliya waxa la tiriyey ilaa 45,000 qofood oo rayid ah oo xamar lagu xasuuqay. Qoraalka luguma tala gelin faafin dheerad in laga sameeyo arrintaas marka intaas ayaan uga gudbeyna xasuuqii Cabdullahi Yusuf Xamar ka geystey.
Dawladii ka danbeysey tii Cabdullahi waxa hogaaminayey Sharif Sh. Axmed, dawladaa waxaa cuuryaamiyey is qabqabsi iyo saburkii faraha badnaa ee sharif sh. Axmed muujiyeey intii uu madax ahaa illa xattaa lagu qabsaday awoodiisii.
10 Sept. Waxaa la doortay Dawlad rasmi ah oo Xasan Sh. Maxamuud Madaxwyne ka yahay, Rai`sal wasaarana, Cabdi Farax shirdoon (Saccid)
Isla markiiba waxa bilaabmay mucaarad ilo gaar ah ka imaanaya. Waxa la xasuustaa in Madaxweynu uu booqasha ku tegey waddamada mareykanka iyo U.K. Madaxweynaha koox yar oo dan gaar ah leh ayaa labada meeloodba banaan bax kala hortegy, inkasta oo Somalida inteeda faraha badani taagero aan xad lahayn u muujiyeen dawlada. Ma xuma dadku inay cabasho muujiyaan haddii ay caddaalad darro tirsanyaan, oo ay ku muujiyaan siyaabo kala duwaan Sida: qoraalo iyo banaan baxba. Laakiin muhimada mucaaradnimadu maxay tahay?
Arrintaani waxa ay salka ku haysaa tan aan kor ku xusnay ee damaca walaal ku dhisan oo ah haddii waxa aan doonayo aan wayo wax waliba ha la waayo. Gaar ahaan arrintaas waxa ay la xiriirta magacaabida ra`sul wasaaraha iyo xukun marooqsi la qorsheyey oo ku aadan gobalada jubooyinka.
Waxaa yaable, shir ka dhacay magalada Toronto, 28kii bishii Janaayo 2013, oo lagu magaccabay: xuska xasuuqi 1991. Shirkaasu waxa uu ku baahsanyay boggaga internetka. Shirkaas waxa lagu sheegay in qabiil si gaar ah loo xasuuqay si la mid ah tii Hitler Yuhuda u gaystay. Shirkaas waxaa laga soo jidey qudbado sun iyo fitno xambaarsan oo ummada Somaliyeed lagu kala gaynayo.
Waxaa wax aad logga xumaado ah in carrur yar yar oo dhashay kadib fitnadii Somaliya ka dacday in loo isticmaalo fidnadaas, oo khudbado fitno xanbaarsan loo soo dhiibo. Shirkaas waxaa laga soo jidey arrimo badan oo been abuur ah. Matalan waxaa shaashada la saaray dad meyd ah oo meel la safay. Muuqaalkaas meydka safan waa mid caam ah. Runtii dadkaasi waa dad lagu xasuuqay magalada Xamar xilligi itoobianku joogeen magaalada Xamar. Masawiirkaasu waa kuwo diiwaan gaashan oo dad badani hayaan.
Aan wax yar ka soo qaadano wixii shirkaas laga soo jeediyey:
Xassan Cabdullahi (Karate) oo assagu soo qaban qaabiyey kulanka, waxaa u halkaa ka aqriyey hadal u badan been abuur iyo tira koob dad la xasuuqay oo aan sal iyo raad toona lahayn. Matalan wax uu sheegay in Magalada xamar xasuuq ka dhacay. Ruuntii, magalada Xamar xasuuq, xun ayaa ka dhacay, goormose dhacay. Waxaa la xasuusta 17kii bishii lulio 1989 in 48 dhalin yaro ah oo dhamaantood ka soo jeday gobolada woqooyi saq dhexe lagala baxay guryohoodii. Danlinyaradaa waxa la geeyey xeebta jasiira ee magalad Xamar halkaas oo lagu toogtey dhamaantood.
Xasuuqii 2aab wuxuu dhacay intii u dhexeysay bilihii disember 1990 ila Janayo 1991kii. Halkaas oo dalwdaii Maxamed siyaad bare ay magalada Xamar si naxaris daro ah madaafiic iyo BM ula dhacdey.
Xasuuq 3aad waxa uu ahaa dad u dhashay qabiilka gala galah oo 50tomeye gaarayey oo Xamar lagu diley. Runtii dakaas waxa ay ahaayeen dad la fidnayeye. Gala galuhu waxa ay ku dhex noolayeen qabiilka abgaalka si nadabad ah. Bartamihii sanadkii 1990ka dadkaas waa la hubeyey waxaan laga horkeenay qabiil weynihi Abgaal oo ay ku dex noolaayeen. Waxaa wararku sheegayaan dadkaas la fidneeyey in ay ku keceen falal naxariis darro iyo anshax darro ku dheehantahay. Matalan, dad fara badan ayey meel ku xareeyeen, dabadeene in rag iyo dumar la qaawiyey laguna qasbay in aay isku tagaan, taasina waxa ka soo horjeedaa anshaxa iyo bani aadnimada iyo weliba diinta Islaamka ah ee muqadaska ah. Waxa kale oo dadkasi ku keceen jid gooyo iyo dil. Hase, yeeshee waxaan anigu ka soo horjeeda in qof loo dilo denbi qofk kale galay. Waxa laga yaabaa dadkii anshax xumaad sameyey ay baxsadeen, dabadeen dad kale la diley.
Waa jirtaa , in dad badan Xamar lagu diley oo dhalinyaro caraysanu ay jidka ama xataa guryohoodi ku dilen, lakiin taasi xasuuq iyo wax u dhaw midna ma ahan. Allaha u naxariistu wixii muslim ah oo ku tahluukoobay fidnadii ka dhacday somaliya.
Waxa kale oo la xasuustaa xasuuq u weynaa in uu kala dhacay Gobolka Bay. Halkaas oo ay haysteen cidamo ka tirsanaa haraadigii dawlada Maxamed Siyaad. Cidamadaas waxa ay dhaceen rashinkii dadka u keydsanaa oo la yaqaan bukaaraha, xoolihi reer guuraagana waxa ay ka dhiteen saad. Inta waxa ka darnaa in dadaka arragti loo dilayey. Arintaas waxa ay dhalisay aabaar ay ku nafwaayeen dad gaarayaa 300,000 oo qofood. Wargeys bile ah oo lagu magacaabo “African Events” waxa uu qoray in xasuuq dan laga lahaa, oo ahayd in dadka ku nool gobolkaasi la xasuuqo dabdeena degaanka lasheegto.
Xasan Karate, wax kale uu sheegay in magalada Belewayne lagu xasuuqay dad ku jiray xeryo qaxooti oo gaaray 60,000 ila 100,000. Arrintaasi waa mid lagu qoslo. Malaha Xasan waxaa isga qaldan lambarada. (60, 600,iyo 60,000)? ama 100 iyo 100,000. Gobalka hiiraan waa deganayeen dad qaxooti ah ama loogu tala galay in la dejiyo gobolkaas, laakin runtu waxa tahay dadkaas waxa ay ahaayeen dad intooda badni aad u hubeysnaa, oo jabhaad ahaa. Meeshana dagaal ayaa ka dhacay. Dabcan meeshii lagu dagaalo dad waa ku dhimanayaan. Waxa kale oo runtu tahay dadkii rayida ahaa in baabuur lagu qaaday oo lagu celiyeey degaankoodii, waxaa jooga ragii baaburooda lagu guray dadkii rayidka ahaa. Gabaar ayaa shirka Toronto ka soo jiidsey in 12 qof oo qaraabo ay ahayeen ay ku dhintee Hiiraan. Anigga laftigayga, 12 qof oo midka ugu shishheyaa aan ilma adeer nahay ayaa ku dhintay dagaalkii ahliga ahaa oo ka dhacay Somaliya, haddii dadka qaar naftoodu ka qaalisantahay banii aadamka kale waa arrin aanan fahmi karin.
Waxa kale u shirkaas loga hadlay xasuuq ka dhacay Hargeysa iyo gobolada woqooyi.
Hadaan indha la iska tireyn, xasuuqa runta ahi waxa uu ka dhacay gobolada woqooye. Waxaa la xasuusta dadkii ayagoo qaxayaa madafiicda lala dhacay, dayuuradana dusha loga duqeyey. Waxa jiraa muuqaal muujinayay nin sargaal ah oo dhixtaagan magalada Hargeysa oo ku doodaye in ay magaalada laga sifeeyey jabhaddii laakiin sidii meydka loo aruuri in dhib ka haysto.
Waxa yaab ahaa in nin lagu magacaabay Axmed Xirsi, in uu madaweynaha Somaliya ku canbaareyey in madaxweynu yiri wixii hargeysa ka dhacay lama illaabi doono.
Nin oday ah, oo lagu magacaabay, Cabdi-wahab xaji xussen, ayaa shirkaas ka hadlay. Wuxuu yiri maxa mar waliba ra`iisul wasaare nalokagga dhigaa kuwaa ciirta lula.
Sideedaba, xukun saddax dariiqo mid kood ayaa lagu gaaraa: in xoog lagu qabsado, sida jabhadaha ama askarta afgenbiga sameysa, in boqortooyo la iskaga dhaxlo ama doorasha kursi lagu tago.
Saddaxda mid afaraysa haddii cabdi wahab haayo ha noo sheego. Dawladda hada jirta waa la soo doortay. Madaxweynuhu wuxuu xaq uu leeyahay in uu magacabo ra`iisal wasaare. Cabdiwahab tolki xaq bay u leeyihiin in ay madaxweyne iyo ra`iisal wasaraba noqdaan, laakin ha sugeen fursadooda. Haddiise ay arrintu tahay maxaa Mariixaan loo siiyey jaggada ra`iisal wasaaraha arrintaas daw ma aha.
Arrinta kale oo ayantaan kulul waa arrinta magalada kismayo. Anniga waxay ila tahay, qofkasta oo Somali ahi waxa uu leeyahay waa hantidiisa gaarka ah sida beerta iyo guriga, wixii intaa ka soo hara waxa iska leh ummada Somaliyeed waxaan wakiil ka ah dawladda. Intaas waxaan ku dari lahaa dadka sheeganayaa Kismayo kuma jiro qof ka soo jeeda degaankaas in ka badan lab fac (two generations) ee arintaas ha la ogaado.
Qoraalkaan waxaan ku soo gunaanadi lahaa qodabada hoos ku qoran
• In aan caruurta la fidnayn, oo carruurta lagu beero wadanimo iyo Somali jacayl.
• Inan taarikhda laga been sheegin, iyadoo ujeeddadu tahay aur ku kacsi iyo wax doon.
• Runtii waxa tahay wax lagu waayey qaranimo iyo wadajir, qabiil lagu heli mayo, ee qaranka somaliyeed daacad ha loo noqdo.
• In qaranimadu Somaliya oo gebi ka lulata sidii aan u soo cesha lahayn aan ka wada shaqeyno
• In laga wantoobo ajaanibta aan Soomaaliya danta u hayn oo loo garabsanayo wiiqida qaranka SOomaaliya?
• Shacaba soomaaliyeed waa walaal kalama maarmaan ee waa in la iscafiyo.
Somaliya ha noolato
Cusman Cabdi
|
|


Print
