Qaran ama qabiil ama qoys ama qofba, haddii laga ilduufo (shalay + Maanta + Berri)
Qaran ama qabiil ama qoys ama qofba, haddii laga ilduufo (shalay + Maanta + Berri) qiimeynta seddaxdaas ayaamood ee adduunku ku dhisan yahay waa ayaandarro weyn. Halganka noloshu waxaa saldhig u ah “Tagtadii tilmaanteed, taagganta ka talinteed iyo timaadada twalinteed”.
Somaalidu waxa maanta taagan kaliya ayey qiimeysaa ee shalay iyo berri xisaabta kuma darto. Hoggaamiyaha maalintaas xilka haya aad baa loo karhaa oo inkaar iyo Allow naga dulqaada ayaa laysu raaciyaa, laakiin Allow mid ka khayr roon noogu beddel laguma duceysto.
Maadaam aan la weydiisan mid ka khayr roon, Alle wuxuu ku sallidaa macangag arxamdarran.
Somaalidu aad bey u necbeysatay hadafka gurracan ee Shabaab, waxayna ku habaareen “Allow shanshada ka jabi oo shanba meel u qaxi oo naarta shuk ku sii” marnaba Alle lama weydiisan kuwo ka khayr roon.
Jubbooyinka waxaa Shabaab ka qabsaday ciidanka Kenya oo ay daba-socdeen Somaali Kibaandhaley qorshe qarsoon wadatay.
Kenya danteedu waxay tahay inay xeebaha shidaal ka qodato iyo in la abuuro Jubbaland “Buffer zone” u noqota ammaanka dalkeeda.
Kooxda Kibaandheley waxaa dantoodu tahay inay dib u soo nooleeyaan kadeedkii 20 sano ka hore jiray iyo in beelaha Jubboyinka loo qeybiyo “Harti & Hariifo… Daarood & Giirgiir”.
Beelaha dulman ee Jubbooyinka degan markey damacaas arkeen waxay ka laabteen inkaartii hore loogu riday Shabaab si niyadsami ahna waxay ugu duceeyeen Shabaab, waxayna maanta ku calaacalayaan Allow markale dib u soo celi Shabaab.
Haddaba akhristow si dhugmo leh u dhuux nuxurka qoraalka lifaaqa oo ka hadlaya dhibtaada ka aloosan guud ahaan geyiga Somaaliya, gaar ahaan Jubbooyinka.
![]()
Cali Sh. Maxamed
Sheekha333@gmail.com
|
|


Print
