Xalka Is-Maamulka Juba ama Kismaayo?
Maqaal Editorial ah ee Markacaddey.net
Dhibaatada ka socota Juba waxay sal ku leedahay tuhun dawladda dhexe ay ka qabto maamul-u-samaynta gobollada 3 da ah ee Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose inta Webiga Juba galbeedka ka ah oo ay ku jirto Magaalada Kismaayo. Dawladda Muqdisho waxay ku tuhmaysaa Kenya, Ethiopia iyo IGAD inay kala wareegeen awooddii meeshaa.
Mar haddii uu jiro tuhun kaas, waxaa la rabay dawladda inay taaktikada beddesho oo ay si facaali ah uga qayb-gasho iyadoo barooseeska wax ku lahaanayso isla markaasna beelaha ka caga-jiidaya hawshan lagu guubaabiyo ka qayb-galka shirweynaha Kismaayo. Taas waxay keeni lahayd si caddaalad ah inay wax ku dhammaadaan oo cadka beelaha ka xanaaqsan ay kala soo bixi lahaayeen shirka. Sidaas ma dhicin.
Dawladda waxay horseeday kala jab shirka oo ay ka maqan yihiin biilihii deegaanka Magaalada Kismaayo wax ku lahaan lahaa. Go’aanka dawaladda xalka way fogaysay: waxaa ku haray shirweynaha qabaail hal hayb ah; intii badnayd shirka waxaa ka jooga dad magic-u-yaal ah.
Haatan xalka muxuu yahay?
1. Dawaladda si deg-deg ah inay ku guubaabiso beelaha dega gobollada Is-Maamulada aan lahayn inay barooseeska shirweyne lagu sammaysanayo Is-Maamulo ay galaan.
2. Is-Maamulada macquul ka ah ee goballada koofurta ka ah Galmudug waxa ay kala yihiin Is-Maamul ka Shabeelle iyo kan Asal, marka laga reebo kan shirweynahiisa hadda uu socdo.
3. Is-Maamul ka shabeelle waa inuu si deg-deg ah ku soo baxaa. Sidoo kale Bakool, Baay, Dooy iyo Shabeelada Hoose waa inay sameestaan Is-Maamul kooda si ku meel gaar ah loogu magacaabay Asal.
4. Shirweynaha Kismaayo, iyo shirweyne yaasha kale waa inay dawladda ay ka qeyb-gashaa, hagtaa, caqli ku tabarucdaa iyo midda ugu weyn dad keeda ku aamintaa masiir kooda inay sameestaan.
5. Dawaldda waa inay ku mashquushaa hawsha dhabta ah, ma aha Cabdifataax ka qaad nin kale u dhiib sida ka dhacday Marka, Baydhaba iyo Hiiraan. Taas micne ma sammaynayso; federal nimada Soomaaliya qeyb ma ka dheelayso. Waa hawl jiho khalad ah loo raacay.
Baarlamanka Federaalka hawsha waa ka gaabiyay!
Baarlamanka Federaal ka ah waxaa la rabay si toos ah inuu u qabsado hawshiisa kaga aaddan Federaalaynta Soomaaliya. Waxaa la rabay inuu raaco qodobbada ku qeexan Dastuurka oo tilmaamaya sida loo sammaynayo Is-Maamulada xubinta ka noqon doona Federal Soomaaliya. Ma dhicin balse waxaa la aaday fasax sanadeed iyadoo hal sano aan la shaqayn; iyadoo arrinta xasaasiga ah ee Jubaland ay socoto. Maxaa Baarlamanka kaalinta u dheeli waayay? Maxaa hawshiisa ka hakiyay? Maxaa caga-jiid loo noqday? Arrintu ma qabyaal baa mise waa hawl qaran?
Marka geela loo heesayay Golaha Wasiirada goroyo ayay u heeseen!
Golaha wasiirrada waxaa la rabay inay gartaan hawlaha “critical” ah oo xasaasiga ah. Hawsha Jubbaland marka lagu fikaray illaa hadda in badan ayaa la caburiyay. Taas waxaa sii dheer, federaalaynta Somalia oo ay dawladda ku dhiirran waysay iyo aragti sax ah heli waysay! Tan ayaa ugu xumayd. Waxaa kaliyah oo la maqlay waxay ahayd warar quman oo Madaxweynaha fagaaro badan ka sheegay oo hasayeeshee aan lagu kabin ficil dhab ah. Markii dadka Reer Jubaland ay goosteen hawsha inay qabsadaan waxaa la geliyay hirig iyo jalaafooyin meesha beelaha ka maqan loo soo cilin lahaa shirweynaha, lana taakulayn lahaa.
Haddii laga baqayo Jubaland Kenya iyo Ethiopia ku adeeganayso, maxaa looga qayb-gali waayay shirweynaha Kismaayo si loo soo saaro Jubaland Somalia u taliso?
Ma fiicna tuhun iyo kalsooni darro in dad ka lagu eedeeyo. Waxaa dhab ah kaalinta Golaha Wasiirada inay maqan tahay. Shirweynaha haddii ay dawladda ka soo qeyb-galin oo wax ka ogaanin, natiijada ka soo baxda waxay dawladda ku noqon doontaa dacaar iyo sibir qaraar oo aan la dhunjin Karin. Waana hubaal taas inay ka soo baxayso. Xukuumadda Dhexe ee Muqdisho taas waa inay diyaar u noqotaa. Arrintu talo way ka fogaatay – daaqadda fursadaha aad ayay ciriiri u tahay hadda.
Gunaanad:
Waxa la qaban karo way yar yihiin. Xeero iyo fandhaal way kala dheceen. Arrintu sida ay ku dambayso la arki doonee!!! Waqti ma harin natiijada ka soo baxi karto Shirweynaha Kismaayo la maarayn karo oo uu noqdo mid Xukuumadda Muqdisho ay laqi karto
|
|


Print
