Is-Maamulada Shabelle iyo Asal si deg-deg ah waa in loo billaabaa!
Waa hawsha dhammays-tirka Federaalnimada Soomaaliya
Waxaa maanta billaabmay hawsha lagu sammaynayo Is-Maamulka Jubba. Waa hawl in badan la sugayay. Waana tallaabo horumar ah sammaynta Is-Maamulka Jubba oo hadda hawsheeda lagu guda jiro. Shacabka reer Jubba waxaan ku boogaadinaynaa tallaaabadan qaybta ka ah hawlaha dhammaystir ka Federaalnimada Soomaaliya. Waxaan lee nahay waa hal tallaabo oo dhinaca saxa ah loo qaaday.
Si barbarro ah dadka dega nawaaxiga Shabelle iyagana sidaas oo kale waa inay degdeg u billaabaan barooseeska hawsha sammaynta Is-Maamul lagu magacaabo Shabeelle oo ka kooban Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Dhulka deexda ah ee Shabeelada Hoose – wixii ka bari ah Webiga Shabeelle illaa Xaramka, Hoombooy, bariga Jilib iyo bariga Jammaame inta laga gaarayo Jumbo oo ah meesha Webi Juba ka galo Badda Hindiya. Is-Maamul kaan waxuu qeexayaa Is-Maamulka bedka Is-Maamulka Jubba oo aan u gudbi doonin bariga Webiga Jubba.
Sidoo kale waxaa barbarro la noqon doonta sammaynta Is-Maamulka Asal oo ah isu-tagga gobollada Bakool, Bay, Dooy iyo Shabeelada Hoose. Is-Maamulka Asal wuxuu u dhexaynayaa labada Webi. Waa dhulka u dhexeeya bariga Baardheere illaa Qoryooleey; dhinaca waqooyigana waa dhulka u dhexeeya Baalliga Teed illaa Arbaay Cabdi, Dhaay Tobaako iyo Xaramka koofur ahaan.
Hawshaan dadka deegaanada waa inay ka soo fushaa: Min Hiiraan illaa Jumbo oo ah Shabeelle iyo Asal oo ah Waqooyiga Xuddur illaa Arbaay Cabdi iyo Dhaay Tobaako oo Yaaq Baraawe kaga aaddan koofurta. Mar kasta hawshaan waa hawl la iska rabo inay fusho; dib-u-dhigasho ma laha mar haddii Jubba hawsheeda ay socoto.
Guddiyada xubnaha Baarlamanka Somaliya oo arrimaha maamul sammaynta loo xil saaray hawshaan xasaasiga ah waa inay ku waqtiyeeyaan hawshooda la socodka hawsha Jubba iyo kuwa dhawaanahaan ka billaabmi doono. Sidoo kale Komishanka hawsha xuduudaha Is-Maamulada iyo tiradooda sida ugu dhaqso badan waa inay ku hawl galaan.
Ugu dabmaynta waa in dib looga dhicin Hawsha Is-Maamulka Jubba uu wado. Hawlaha kale oo ay ku soo baxayaan Is-Maamulada Shabeelle iyo Asal waa inay la jaan qaadaan Jubba iyo Khaatum-Maakhir.


Abdulkadir Abiikar Hussein
qaadir.abiikar@hotmail.co.uk
London, UK
|
|


Print
