By: Riwaan Haji //  Feb 16 2013 at 12:50 am //  1,876 Reads  // Article & Opinion

Dhisidda Is-Maamulada Waa In La Wajahaa!

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xukuumadda Federaalka Somalia waa inay u gudubtaa ficil iyo Waxqabad Oo ay dhistaa Is-Maamulada xubnaha ka noqon doono Federal Somalia

In badan ayaa madaxda Somalia ay dhaheen: ay turxaan bixiyeen qorshahooda iyo Lixda tiir ee is-beddelka lagu gaarayo. Lixda tiir waxaa ka mid ah hishiisiinta beelaha dhibka kala gaaray labaatan kii sano ee ugu dambaysay. Kalsooni in laga dhex abuuro beelaha waa arrin sal u ah soo celinta Somali in ay wada shaqayso iyo in ay is-aaminto.

Nooca dib-u-heshiisiin ugu weyn waa dhisidda is-maamulo ka madax bannaan Xukuumadda Dhexe illaa xad. Arrintaan waa xasaasi; waxayna sal u tahay is-aaminid iyo kalsooni-dhisid, mar hadday beelaha qaar rabaan in sameestaan maamuladooda gaar ka ah oo madax-banaan. Dowladda waa inay ka qeyb-gashaa, caawintaa oo wax ka geysataa oo shirar ka lagu samaynayo wafdi shaqo-gal ah u dirsataa.

Waxaa kaloo aad muhiim u ah in la qeexo maamulada samaysmi kara iyo tiradooda, iyo qeybsiga awoodaha iyo khayraadka. Arrintaan waa in Somalia oo idil ay hal jeer ka wada socoto; ayna noqonin mid Jubbaland keli ah ama Khaatumo-Maakhir u gaar ah.

Waa in la wada dhisaa maamulada dhammaan hal jeer, la qeexaa xuduuda hooda iyo lagu heshiiyaa dhammaan dad ka ay ka wada dhexayso. Hawshaan waa hawl adag oo u baahan khibrad, aqoon iyo wada tashi.

Dowladda Dhexe kaalin bay ka leedahay, kaalin na waxaa leh shacabka iyo beelaha ku heshiinayo inay sameestaan Is-maamul madax bannaan. Kaalinta dawladda dhexe waa oggolaashaha tirada ugu suurta-galsan in noqdaan Is-Maamulada iyo xuduuda hooda. Markay shacabka iyo beelaha dhistaan xukuumada hooda, ayaa lagu qorayaa Dastuurka tirada Is-Maamulada tiradooda, iyo awoodooda inta ay la eg tahay, inayna ka go’i karin Somalia balse la hagaajin karo waxa xumaada. Waxaa kaloo muhiim ah sida Dawladda Dhexe iyo iyaga ay u qeybsanayaan kheyraadka dhulka iyo badda.

Beelaha dhammaan waa inay u adeegsadaan dhisidda Is-Maamulada aqoon, khibradihii laga dhaxlay Somaliland, Puntland iyo Galmudug iyo khibradahii laga keensaday meelaha kale sida hufsan ay uga dhaqan galeen Is-Maamulo madaxbanaan. Kaalima haas aan soo sheegay ayay kala leeyihiin.

Samaynta Is-Maamulada waxay abuuraysaa kalsooni ay beelaha ay ku qabaan Xukuumadda Dhexe ee Federaalka ah. Waxay kaloo abuuraysaa tartan dhinca dhaqaalaha, horumarka iyo tayada adeegga bulshada ay hesho. Si qiyaas leh haddii loo fakiro, waxaa suurta gal noqon karo 7 Is-Maamul oo madax-bannaan oo isku noqonaya Federal Somalia. Toddobadaas waxay kala yihiin: Somaliland, Khaatumo-Maakhir, Puntland, Galmudug (Galgaduud + Koofur Mudug), , Shabeelle, Asal (Bakool, Bay, Dooy iyo qeybo Shabeelada Hoose) iyo Jubbaland. Toddobadaan Is-Maamuleed waxaa laga xukumi doonaa Dawalad Dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho oo ah Magaalo Federal.

Hawshaan markay dhamays-tiranto waxaa sahal noqonayaa dhamay-tirka Dastuurka Federaalka. Waxaa kaloo sahal noqonayaa qeexidda awoodaha iyo qeybsiga kayraadka laga helo Is-Maamulada. Waxaa kaloo soo raaci kara inaan heshiisyo la gali karno shirkadaha shisheeyaha ah marka ay xukuumadda ay salka dhigato.

Fadlan fiiriya maab kan: Wuxuu fikrad idin ka siin karaa hawsha samaynta Is-Maamulada xubnaha ka noqon doono Federal Somalia.

Waxaan soo galnay waqti loo baahan yahay si geesinimo leh in loo wajaho dhisidda Is-Maamulada iyo waqti taariikh in la abuuro ah – taariikh daas oo gali doonta baal dahab ah. Raiisal Wasaare Saacid, Madaxweyne Xasan iyo Guddoomiya Baarlamanka Mudane Jawaari dhammaan taariikhda Somalia waxay ku xusi doontaa hadba sida ay u fuliyaan hawshaan dhammays-tirka iyo hal-abuuridda u baahan. Hadal ka iyo tusaalaynta waa in lagu kabaa ficil iyo wax-qabad muuqda oo dadka Somaaliyeed ay ku qancaan, gaarsiiya is-aaminaad, kalsooni iyo wada shaqayn.

Waqti badan xukuumadda ma haysata – waa in ay abbaartaa hawshaan – taariikh iyo sumcad weyn ay ku kasbataa dhisidda Is-Maamulada madax bannaan.

Federal-Somalia

By: Abdulkadir Abiikar Hussein
London, UK


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments