By: Jacfaryare //  Feb 13 2013 at 12:07 pm //  866 Reads  // Article & Opinion

Caafimaadka Soomaaliya gaar haan Soomaaliland iyo Isbitaalka Sheekh Maxamed aadan

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Furitaanka isbitaalkii ugu horeeyay ee ku takhasusa xanuunnada caruurta ee laga furay Hargeysa ayaa Soomaaliya kaalmayn doona, taas oo leh dhimashada caruurta adduunka mida ugu badan sida ay sheegayaan Qaramada Midoobay.

hargeisa-childrens-hospital-340_227Dhakhtar Talyaani ah oo daawaynaya ilmo Febraayo 4-teedii isaga oo jooga Isbitaalka Waxbaridda Caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh. [Barkhad Daahir/Sabahi]

Rugta caruurta ee Isbitaalka Waxbaridda Caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh ayaa la furay Janaayo 26-deedii, taas oo markii ugu horaysay siinaysa daawayn caruurta u khaas ah gobalka oo dhan.

Xafladdii furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Xuseen Maxamuud Maxamed, marwada madaxwaynaha Aamina-Weris Sheekh Maxamuud Jirde, Afhayeenka Baarlamaanka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, Wasiirka Qorshaynta Sacad Xaaji Cali Shire, madax ka tirsan Jaamacada Hargeysa iyo wafdi ka socda Ururka Soomaaliya ee Onlus, oo ah urur aan faaiido doon ahayn oo uu Sheikh ka sameeyay Turin, Talyaaniga sanadkii 2002.

Hami soo jireen ah

“Ka hor geeridiisii, ayuu Sheekh muddo dheer ku haminayay in uu isbitaal ka dhiso Muqdisho, laakiin maadaama ay colaaddo ka socdeen aagaas, wuxuu u baddalay in uu ka furo Hargeysa,” Maxamed ayaa ka sheegay xafladdii furitaanka. “In kasta oo uu dhintay, fikradiisu way badbaaday wayna jiri doontaa.”

Sheekh, oo asal ahaan ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, ayaa ahaa wasiirka caafimaadka iyo wasiirka dhaqanka iyo waxbarshada sare xukunkii Siyaad Barre, ka hor intii aan loo dooranin baarlamaanka 1980. Sanadkii 1982 ayaa loo qabtay tuhun ah inuu maleegayo qorshe ka dhan ah dawladdii Siyaad Barre waxaana la xidhay ilaa 1989, ka dib wuxuu u wareegay Talyaaniga oo noloshiisa intii ka dhimanayd uu ku qaatay.

Ka dib dhimashadiisii 2010, ayaa xaaskiisa Felcita Torrielli iyo saaxiibadiisa ka soo jeeda Turin ay lacag ururiyeen si ay u dhisaan isbitaalka, dhismihiina wuxuu bilawday Sebteembar 2011. Dadaalka waxaa taageeray shirkado iyo hay’ado Talyaaniga ku yaala, Maxamed ayaa sidaas yidhi.

In kasta oo rugtan caruurta lagu daaweeyo la furay, dhismihii ayaa wali isbitaalka ku socda waxaana la rajaynayaa in la dhamaystiro Maarso.

“Baahida badan ee jirta ayaa sababtay in shaqadii caafimaad la bilaabo ka hor inta uusan dhismuhu dhamaanin, khidmada la bixiyo oo dhanna waa bilaash,” Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan ayaa sidaas sheegtay.

“Waxaan aaminsanahay in saamayn wayn ay ku yeelan doonto khidmooyinka daryeelka caafimaadka,” ayay sheegtay wasiiradu iyada oo intaas ku dartay in 60 ilaa 70 caruur ah maalin walba lagu daawayn karo rugta caafimaad.

Ururka Soomaalida ee Onlus ayaa bixin doona kharashka isbitaalka muddo saddex sano ah, waxaana qorshaysan in la sameeyo guddi maamula, Qawdhan ayaa sidaas sheegtay.

Ilaa iyo markii la furay, 350 caruur ah ayaa la dhigay ama lagu daweeyay, sida uu sheegayo maamulaha isbitaalka Cabdi Maxamuud.

“Bukaanka ayaa la qaabilaa inta u dhaxaysa 7:00 subaxnimo iyo 12:00 duhurkii, laakiin dadka aadka u xanunsan mar walba la aqbalaa,” ayuu sheegay maamuluhu. Isbitaalka ayaa lagu wakhtiyeeyay in uu furnaado maalin iyo habeenba isaga oo ay joogaan dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal habeenkii, ayuu yidhi.

Isbitaalka ayaa laga dhisayaa dhul ku fadhiya 12,500 mitir oo isku wareeg ah, dhulkaas oo ay ku deeqday maamulka Soomaliland, wuxuuna ku dhagan yahay Isbitaalka Guud ee Hargeysa, oo hadda ka hor loo yaqaanay Isbitaalka Jajabka. Dhismaha oo dhan waxaa ku baxaya in ka badan 1 milyan oo yuuro ($1.4 milyan) oo doolar si loo dhamaystiro, sida ku cad barta internetka ee isbitaalka.

Dib u noolaynta waaxda daryeelka caafimaadka

Isbitaalka Waxbarida Caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh, ayaa culayska ka qaadi doona Isbitaalka Guud ee Hargeysa, kaas oo Ingiriisku dhisay 50 sano ka hor. Wakhtigaas, Hargeysa waxaa ku noolaa wax ka yar 50,000 oo qof, iyada oo hadda ay ku nool yihiin 1 milyan oo qof, wasiirka caafimaadka ayaa sidaas yidhi.

Isbitaalka ayaa sidoo kale wax ka qaban doona xaaladda adag ee caafimaadka, gaar ahaan xanuunada caruurta, Maxamed ayaa sidaas sheegay, isaga oo intaas ku daray in uu rajaynayo in shaqaale isku dhafan oo Talyaani iyo Soomaali isugu jira ay abuuri doonaan fikrado cusub oo ku aadan daryeelka caafimaadka ee Somaliland iyo guud ahaa geeska Soomaaliya.

“Arintan ayaa wax ka baddalysa nidaamka daryeelka caafimaadka, taas oo ay u muuqato in ay dayacan tahay, waxaanna rajaynaynaa in ay dib u noolaynayso nidaamka daryeelka caafimaadka oo dhan, qiimaheedana ay sugi doonto,” ayuu yidhi.

Isbitaalkan ayaa sidoo kale noqon doona xaruntii waxbarsho ee nooceeda oo kale ah midii ugu horeysay oo ku taala Soomaliland, taas oo siinaysa ardayda caafimaadka baranaysa fursad ay ku helaan tababar xirfadeed oo khaas ah.

Mustafe Cusmaan, oo 24 jir ah, ahna arday caafimaadka ka barta Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Hargaysa, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu fursdad u haysto tababarka xarunta caafimaadka.

“In kasta oo kuliyaddu ay waxbarsho is waydaarsi la leedahay Isbitaalka King’s College ee London, ayaa haddana ardayda dhigata Jaamacada Hargeysa ay u baahan yihiin tababar dheeraad ah oo ay qabtaan,” ayuu sheegay ardaygaasi.

Cusmaan, oo raba in uu ku takhasuso daawaynta caruurta, ayaa sheegay in uu rabo in tababarkiisa khaaska ah uu ku qaato Isbitaalka Waxbaridda Caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh saddexda sano ee soo socota inta uu dhamaynayo maadooyinka kuliyadda.

Daawaynta caruur badan, iyo tababarka dhakhaatiirta

Amina Axmed, oo ah hooyo shan caruur ah leh, ayaa sheegaysa in isbitaalka cusub uu iyada ka kaalmayn doono in lacag badan aysan ka bixin, iyada oo markii hore ku khasbanayd in ay caruurteeda gayso rugaha caafimaad ee khaaska ah ee mgaalada ku yaala.

“Haddii caruurta ay hayso cuduro aan naf ka dhawr ahayn sida hargab ama oof oo aad gayso rugaha caafimaadka ee sida khaaska ah loo leeyahay, waxaa suura gal ah in tagitaanka, baadhitaanka iyo daawada ay ku baxdo illaa $80 doolar,” ayay tidhi.

In kasta oo uu sicirkoodu sarreeyo, ayay haddana qoysaska dhaqaale ahaan liita ay inta badan isticmaalaan xarumaha sida khaaska ah loo leeyahay, sababta oo ah daryeelka caafimaadka guud ee Soomaliland ayaan ahayn mid kufilan baahida bukaaneed ee bulshada ku nool deegaanka.

Soomaaliya ayaa leh tirada ugu badan ee dhimashada dhallaanka ee caalamka, sida ay sheegayso Qaramada Midoobay. 1,000-kii ilmood oo nolol ku dhashay 2010-kii, ayay 180 ka mid ah dhinteen inta aysan shan sano gaadhin.

“Caruurta leh cudurrada khaaska ah, sida kansarka, oon lahayn meel lagu daaweeyo waxay inta badan u dhintaan daryeel caafimaad la’aan,” Dr. Maryan Cabdulahi Daahir, oo dhakhtar ka ah Isbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa sidaas sheegtay.

“Waa tallaabo fiican inay dadwaynahu leeyihiin xarun ku takhasustay daawaynta caruurta taas oo aan wax lacag ah ahayn, iyada oo bixinaysa daryeel caafimaad oo tayo fiican leh,” ayay leedaahy dhaqtardu. “Waana faa`iido dheeraad ah in xaruntu ay kaalmaynayso tababarka dhakhaatiirta Gubalka kuwaas oo ku takhasusaya daawaynta cudurada caruurta.”


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments