Xaflad Loogu Magac daray Kwani litfest oo Nairobi ka dhacday (DAAWO SAWIRO)

Waxaa maanta ka dhacay hool weyn oo ku yaala xaafada wesland ee Magaalada Nairobi xaflad aay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen dhalinta waayaha cusub iyo Kwani litfest xaflada ayaa waxay ahayd mid si aad uqurux badan loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qaybgaleen dadwayne aad u faro badan iyo waliba marti sharaf isugu jirtay soomaali iyo ajaanib.
ugu horeyn xaflada waxaa ka hadlay Warsan Shire oo ah gabar Soomaaliyeed, oo gabayada ku tirisa luuqada ingariiska,Warsan ayaa dadki halkaasi ka soo qeeb galay ee soomaalida iyo ajaanibtuba ahaa su,aalo ay waydiiyeen ugu jawaabtay ayado dadki ka qeeb galay xaflada aad ula dhaceen su,aalaha aay ka jawaabtay warsan Shire.
Dhinaca kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigay buugag ka tarjumaya gabayo iyo qormooyin iyo mowduuc ku saabsan naqdinta suugaanta.
Sido kale waxaa ka socanayay hoolka weyn poeri Palace ee xaafada islii Barnaamiski loogu magac daray Kwani litfest oo dhalinta waayaha cusub open mic ku siinayeen ama dheeri galin dhalinyarada doonaya in aay fanka ku soo biiran.
si kastaba ha ahaate barnaamiskaasi loogu magac daray Kwani litfest ayaa galay maalinti labaad ayadoo xusid mudan tahay in maalinta berito ah Hoolka weyn ee Carmal ee xaafada islii ka dhaci doonto xaflad nuucaan oo kala ah oo uu ka soo qeeb geli doono abwaanka weyn ee Soomaaliyeed, hadraawi.
Nuuur Ismail Sheikh
E-mail nuur.usa@hotmail.com
Nairobi Kenya
DAAWO SAWIRADA




|
|


Print
