By: Mastar //  Dec 12 2012 at 1:12 pm //  1,587 Reads  // Wararka Somalia

Musamil Isaaq Abuukar oo lagu toogtay Degmada Baardheere iyo Al Shabaab oo ka hadashay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Al Shabaab ayaa waxay markii ugu horeysay ay ka hadashay nin lagu dilay Deegaanada ay gacanta ku heyso, kaasoo ay qiratay inaysan iyadu dilin oo ay cid kale dishay.

Wararka laga helaayo Deegaanka Mataano oo 15km oo u jira Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa maanta lagu dilay Musamil Isaaq Abuukar, oo ka mid ah dadka Deegaanka, waxaana loo fishay mid ay dilkiisu ka dambeysay Al Shabaab.

Gudoomiyaha Deegaanka Mataano ee Al Shabaab Sheekh Salaad Barkhad oo la hadlay Idaacada Andulus ee Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaysan Al Shabaab ka dambeen dilka ninkaasi.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in laba qabiil oo degga Deegaanka Mataano uu ka dhaxeeyay khilaafaad maalmihii la soo dhaafay, isagoo intaasi ku daray in mid ka mid ah uu ka dhashay beelahaasi, isla-markaana ay beesha kale ku tuhmayaan sida uu yiri dilkiisa.

Sheekha ayaa wuxuu sheegay inay wadaan baaritaano culus oo ay ku ogaanayaan cidda dhabta ah ee ka dambeysay dilka Musamil Isaaq Abuur, ayna soo kala cadeyn doonaan cidii ka dambeysay dilkiisa.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments