Maraykanka oo xukun adag ku riday nin Ajnabi ah oo taageeray Xoogaga Shabaab
Dowladda Maraykanka oo la dagaalan adag kula jirta kooxaha argagaxisada ah, ayaa waxay xukun adag ay ku riday nin doonaayay in uu aado dalka Soomaaliya, si uu uga dhinac dagaalamo Ururka Al Shabaab.
Maxkamad ku taala dalka Maraykanka ayaa waxay seddexdii sano ee la soo dhaafay ay dhageysaneysay dacwad ka dhan ah Shakir Masri, oo sanadkii 2010-kii lagu qabtay Garoonka, isagoo Soomaaliya u safraaya.
Shakir Masri ayaa wuxuu qirtay in uu xiriir toos ah uu la lahaa Ururka Al Shabaab, isla-markaana uu Soomaaliya uu u aadaayay, sidii uu uga garab dagaalami doonaan sida uu sheegay Ururka Al Shabaab.
Maxkamada ayaa waxay ugu dambeen ay go’aansatay in xukun dhan 10 sano oo xarig ah ay ku xukunto shakhsigaan, maadaama uu qirtay in uu doonaayay in uu garab siiyo Ururka Al Shabaab.
Maraykanka ayaa 15 sano oo xabsi ah ku xukuma ragga doonaaya inay ka dhinac dagaalamaan kooxaha argagaxisada ah, ee markaasi heysta dhalashada Wadanka Maraykanka.
|
|


Print
