Sheekh C/Qaadir Muumin oo sheegay inay dhulka la simi doonaan Madaxtooyada Garoowe, oo uu Faroole ku hoydo
Sheekh C/Qaadir Muumin ayaa wuxuu ku hanjabay inay dhulka dhigi doonaan Madaxtooyada Magaalada Garoowe, oo uu deggan yahay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole).
Sheekh C/Qaadir Muumin oo ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab ee Buuraha Galgala ku sugan, oo la hadlay Idaacada Andulus ee Degmada Baardheere, ayaa wuxuu sheegay inay ka xumaadeen hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland.
Madaxweyne Faroole ayaa wuxuu sheegay inaan Masaajid oo dhan laga dhisi karin Deegaanada Puntland, haddii aan lagala tashan amaba lagu soo wargelin sida uu hadalka u dhigay Maamulka Puntland.
Hadaba Sheekh C/Qaadir Muumin ayaa wuxuu sheegay haddii uusan taasi ka laaban Madaxweynaha Puntland, inay markaasi weerari doonaan oo ay burburin doonaan sida uu hadalka u dhigay Madaxtooyada Garoowe.
Sheekh C/Qaadir Muumin ayaa wuxuu sheegay inay Faroole kaga fadhiyaan inuu taasi ka laabto, haddii kalana ay ku dhaqaaqi doonaan, sidii ay dhulka ula simi lahaayeen Madaxtooyada Garoowe.
|
|


Print
