Al Shabaab oo weerartay Saldhiga Degmada Hodan iyo jug xoogan oo laga maqlay
Ururka Al Shabaab ayaa waxay ka hadleen weeraro gaadmo leh oo ka dhacay Degmada Hodane ee Gobolka Banaadir, waxayna weeraradaasi ay geysteen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.
Ciidamada Al Shabaab ayaa waxay xalay weeraro qorsheysan ay ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Saldhiga Degmada Hodan, waxaana halkaasi ku dhex maray weeraro fool ka fool ah.
Weeraradaan ayaa waxay geysteen khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaaray Ciidamada Al Shabaab iyo weliba Ciidamada Dowladda Soomaaliya, oo iyagu iska caabin xoogan ugala hor yimid Xoogagii Shabaab ee weerarada ku soo qaaday.
Ilaa shan askari oo labada dhinac ah ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen weeraradaan oo ay soo qaadeen Xoogaga Shabaab, iyadoo muddo 30 daqiiqado kadib ay dib uga laabteen goobtaasi.
Waaliga Gobolka Banaadir ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen “Cali Jabal”, oo la hadlay Idaacada Andulus, ayaa wuxuu ku faanay inay iyagu ka dambeeyeen weeraradaasi, wax yeelana ay ugu geysteen sida uu sheegay Ciidamada Dowladda.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Banaadir ayaan iyagu ka hadlin weeraradii xooganaa ee ay Ururka Al Shabaab ay ku soo qaadeen Degmada Hodan, iyadoo weerarada kahorna Xaafada Al Baraka ee Degmada Hodan laga maqlay qarax miino.
|
|


Print
