By: Mastar // Dec 12 2012 at 11:35 am // 626 Reads // Wararka Somalia
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Magaalada Muqdisho soo gaaray
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa wuxuu daqiiqado kahor uu soo gaaray Magaalada Caasimada ah e Muqdisho, iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo uu horkacaayo wefdi ballaaran, ayaa waxay ka soo amba baxeyn Magaalada Djabouti ee Caasimada Wadanka Jabuuti.
Wefdigaan ayaa waxay goor dhaw ay ku wajahan yihiin Xaruunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, oo ay kula kulmi doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Ilaa galabta ayaa waxaa lagu wadaa inay sii jooggaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo sidoo kalana ay la kulmi doonaan Madaxweynaha iyo Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.
|
|
Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


Print
