By: Riwaan Haji // Dec 11 2012 at 8:48 pm // 1,268 Reads // Fanka iyo Suugaanta
Fanaaniin ay kamidyihiin King Khalid iyo C/xakiin Fara yare oo Xamar ka degay.

Khaalid Shariif Ahmed oo loo yaqaano King Khalid iyo labada fanaan ee kala ah C/xakiin Fara yare iyo Xasan Cujeyri Cajame ayaa saakay ka degan magaalada Muqdisho, waxaana si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Garoonka Adan Cade.
Fanaaniintaan ayaa marti qaad ka helay sida la sheegay Hey’adda wada hadalka Bulshada ee CCD, waxaana loo sameeyay soo dhaweyn aad u heersareysa.
King Khalin oo weriyeyaasha kula hadlay qolka nasashada ayaa ka dhawaajiyay in 20-sano wax ka badan uu ka maqnaa Muqdisho, isagoo dhinaca kale tilmaamay inuu ku faraxsanyahay imaashiyaha Muqdisho.
Khalid ayaa wax aan la iloobi karin ku sheegay qaabka loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, wuxuuna balan qaaday inuu soo bandhigi doono heesihii uu caanka ku ahaa.


|
|
Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


Print
