By: Jacfaryare //  Dec 11 2012 at 3:17 pm //  1,633 Reads  // Wararka Caalamka

Keebaa noogu Caajis badan (ila Qosol)

  • Share
  • Comments
  • Print Print


 

Saddex  nin ayaa ku murantay in midkoodba  midka kale ka caajis badan yahay,  Dabadeedna way isu gar dhigteen si loo kala  bixiyo loona  soo saro kooda qaada horyaalka caajisnimada.

Mid ayaa yiri : Anigu  waxaan ahay ninka wuxuu caajisnimo ka qabo maalin geed hoos seexday ,dabadeedna hooskii dhinaca kale u wareegay oo ka wahsaday inuu qoraxda ka kaco dushiisana ay ku dhamaatay ilaa ay qoraxdii ku dhacday dhinaca kale.

Midkii labaad ayaa isna yiri:  waxaan ahay ninka inta isagoo meel jiifa uu ku yimid daad biyo ah oo aan ka kicin, ee ay biyihii qaadeen ilaa  aan ka dhiman gaaro!.

Midkii´sadexaad ayaa la waydiiyay wixii ugu darnaa ee caajisnimadiisa muujinaya , markaasu gacanta meegaartay (HAMAANSADAY) isagoo tilmaamaya inuusan hadli karin caajisnimo darteed.

Waxaa kuu diyaariyay ENG: ABDIKARIM AHMED HUSSEIN aniga oo saamayn gaar ah u yelay sheekooyinka soomaaliyeed.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments


Facebook