By: Mastar //  Dec 11 2012 at 3:19 pm //  1,030 Reads  // Wararka Somalia

Arsene Wenger oo sheegay inay baacsan doonaan kooxaha Man United iyo Man City

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Arsene Wenger ayaa kalsooni ku qaba in Arsenal ay soo yareeyn karto farqiga u dhaxeeya iyaga iyo labada kooxood ee Manchester oo haatan u sareeya horyaalka.

Tababaraha Faransiiska ayaa aaminsan in 15ka dhibcood ee haatan u dhaxeeya iyaga iyo Manchester United inaysan aheyn wax aan macquul aheyn inay gaaraan ka dib markii kooxdiisa ay sabtidii West Brom ku garaacday Emirates Stadium islamarkaana u dhaqaaqday kaalinta 7aad.

Wenger ayaase qirsan inay adag tahay inay ka daba tagaan kooxda hogaanka u heysa horyaalka qeybta labaad ee xilli ciyaareedkan gaar ahaan ka dib markii uu daawaday kulankii Manchester derby.

“Kulanii Manchester derby waxa uu ahaa mid heer wanaagsan, barbaro ayaana noqon kartay natiijad cadaalad ah.” ayuu Wenger u sheegay website-ka kooxdiisa.

“Manchester City waa ay soo laabatay, waxa ay ku bilowdeen ciyaarta si wanaagsan, laakiin Manchester United ayaa soo bandhigtay inay halis ka yihiin afka hore.

“Kulamadii kale ee la ciyaaray isbuuc dhamaadkii waxa ay ahaayeen kuwa xiiso leh. Waxaana ay ku tusineysaa in haddii aad ku taagnaato qaab ciyaareed sareeya had iyo jeer inaad gaareyso halkaas dhamaadka xilli ciyaareedka. Haatan muhim ayay inoo tahay inaan qaab ciyaareed sareeya ku socono.

“Farqiga inoo dhaxeeya hogaanka horyaalka iyo anaga waa mid weyn, laakiin ma ahan mid weyn oo lagu fekeri karo inuu soo dhamaaday tartanka horyaalka.”


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments