Waagii baryaba warkiisuu wataaye bidaarta oo dawo loo helay(toloow waa imisa)
Inta aad dulsaaran tahay dunidaan waa lagama maarmaan in wax ku dheeygag geliyaa aad la kulmeeyso waxeey socotaba maantana waxaan kuu hayaa in aan ku iraa waxaa la helay dawadii ku habooneeys bidaarta maadaama dad badan ku haayso wel wel iyo walaahoow.
Hadaba mar wabseeydkan HN uu baaritaan ku sameeyay waxa ka jira helitaanka dawadaasi ayaa ku tilmaami kara mid xaqiiqada ku dhaw waase laga yaabaa in dad badan ay sugu kareeyn natiijada sheekadan xiisaha badan waxaase sidoo kale isweeydiin mudan dawadan waxa ay ka sameeysan tahay iyo weliba qiimaha lagu heli karo.
Hadaba aqristoow ma moog tahay in dawada ugu haboon xiligan bidaarta laga helo goob kasta oo dunida ka mid ah kudarsoo qiimaheeduna yahay midka ugu raqiisan dunida
Baaritaanka uu sameeyay webseeydka HN ayaa natiijadiisu ku noqotay lama filaan hoowl wadeenada kadib baaritaankan oo aakhirkii ku xaqiijiyeen in ay tahay dawada ugu macquulsa xiligan.
Liibaan cali waa qabiirka soo saaray nooca dawadan isaga oo sheegay in wakhti ay ku qaadatay waxtarka ay yeelan karto dawada Bidaarta.
Liibaan oo la hadlayay webseeydkani ayaa sheegay in tijaabadii ugu horeeysay uu ku guuleeystay in kasta oo ay wakhti ku qaadatay sidii uu ugu qancin lahaa mid kamid ah raga ka cabanaya bidaarta.
Liibaan oo ah tima jare ama ra,iisle ayaa ugu dambeeyn u sheegay webseeydkani in dawada waxratka leh ee uu u helay bidaarta tahay sakiin taasoo uu sheegay in marka qofka loogu xiiro aan la kala garan karin in uu bidaar leeyahay iyo in kale muraran badana dhalin karto.
Qaar ka mid ah shaqaalaha webseeydkani oo qaarkood bidaartu dhibaato ku haaysay oo isla markiiba tijaabadan sameeyay ayaa qiray in ay tahay dawada rasmiga ah isla markaana ah nooca ugu raqiisan lagana heli karo goob kasta oo ganacsi.
|
|


Print

