Nin kalumay xaafadiisa ilaa waabeirigiina raadinayay(qiso layaab leh)
Nin codsaday in aan magiciisa u adeegsan saxaafada ayaa u sheegay Warbaahinta HN qiso nooc xanuun badan oo la soo darastay noloshiisa taasoo aakhirkii sababtay iin uu go,aan ka qaato arinta ka dambeeysa in ay qabsato qisadan.
Ninkani ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu usoo rawaxay xili duhur ah xaafadiisa oo ku taala degmada waabari ee Gobolka Banaadir waxa uuna horay u soomaray isgooyska KM4 halkaa oo uu ku yaal mid ka mid ah suuqyada lagu iibiyo qaadka.
Markii uu horay u soo qaatay in uu u arkay in ay ku filan tahay fadhi qayilaadiisa ayuu yimid guriga oo ay joogaan qaar ka mid ah walaaladii iyo waalidkii markii uu qadeeyay ka dib ayuu bilaabay in uu isku diyaariyo fadhigiisa.
Markii wax walba uu diyaarsaday bilaabayna fadhigii qayilaada ayaa waxaa u yimid mid ka mid ah saaxiibadii iyadoo kadibna uu dib uga laabtay 11kii habeenimo.
Saqdhexe ayuu markii uu idleeystay fadhigii waxaa ku yaraaday sigaarkii laakiin maxaa qabsaday markii uu jeebka surwalkiisa kala soo baxay xoogaa lacag ah.
Markii uu dibada u soo baxay ayaa waxaa uu baadi goob u galay goob ganacsi oo furan xiligaasina waxa uu u haaystaa ilaa 10kii habeenimo mana garan karin in waqti dambe uu joogo.
Wuxuu socdaba markii uu quustay ayuu goostay in uu dib ugu laabto gurigiisii laakiin nasiibku masiin in uu helo ama uu garto halka ay xaafadiisu jirto.
Xaqiiqiyan ma aysan aheeyn aqoon xumo xaafada ka haaysee waxaa ka tan badiyay maan dooriya qaadka ee uu sida xad dhaafka u isticmaalay.
Meesha uu ku laalaabanayo waa gurigiisa hortiisa kaasoo uu ku noolaa in ka badan 18sano.
Waxaa kusoo baxay dadkii masjidka u socday markii ay aqoonsadeena waxa ay waydiiyeen waxa helay waxa uuna u sheegay in gurigii uu ka lumay inta lala yaabay ayaa lagu yiri waadba hortaagan tahee sidee wax kaa yihiin intuu isku xishooday ayuu ku yiri waan idinku ciyaarayay.
Maalintaa wixii ka dambeeyay waxa uu ka gaaray go’aan dibna uma isticmaalin.
|
|


Print

