By: Mastar //  Dec 11 2012 at 1:50 pm //  957 Reads  // Wararka Somalia

Ciidan hubeysan oo la soo dhoobay wadada xiririisa Magaalada Jowhar iyo Balcad

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa maanta la soo dhoobay wadada xiriirisa Magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada la soo dhoobay inta u dhaxeyso Jowhar iyo Balcad ayaa waxay ka tirsan yihiin Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya, waxaana loogu talla galay inay ammaanka suggaan.

Ciidamadaan oo si weyn loo soo hubeeyay ayaa waxay wada xiran yihiin Tuutaha Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya, waxaana loogu talla galay inay kahor taggaan fal dambiyeedyada ka dhacaaya wadadaasi.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xilligaan u muuqdaan kuwo loo diyaarinaayo inay suggaan ammaanka wado walba oo laga saaro Ururka Al Shabaab, si’aysan wadada ugu gelin Ciidamada Dowladda Somaliya.

Wasiirka Gaanshaandhiga ee Xukuumada Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in lala socon doono dhaq dhaqaaq walba oo ay sameynayaan sida uu yiri kooxda Al Shabaab.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments