By: Mastar //  Dec 11 2012 at 11:26 am //  926 Reads  // Wararka Somalia

Magaalada Muqdisho oo lagu dhaawacay Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Rag aan heybtoodu la aqoon ayaa waxay geysteen dhaawac Magaalada Muqdisho loogu geystay Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya, oo xilligaan lagu daaweynaayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Taliyihii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Laanta Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu xalay uu ku dhaawacmay qarax bambaano oo si farsamo leh loogu soo tuuray qarax bambaano.

Taliyaha oo lagu naaneyso Daba Cadde ayaa wuxuu dhaawac aan la shaacin uu ka soo gaaray qaraxaasi, isla-markaana waxaa dhaawaciisa lagula cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in dhaawaca soo gaaray Taliye Daba Cadde uu yahay mid culus, isla-markaana waxay eheladiisa ka muujinayaan dhaawaciisa dareen xasaasi ah.

Ilaa laba nin oo dhalinyaro ah oo ka dambeysay qaraxaan ayaa waxaa la sheegay inay ku raad jooggeen Taliyaan, oo shaqo culus ka qabtay Xoogagii Shabaab ee Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments