Militariga Somaliya oo shaaca ka qaaday inay saacadaha soo socda guda galayaan hawl galkii labaad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe
Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya oo ay kaabayaan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay saacadaha soo socda ay guda galayaan hawl galadii labaad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha Gaaska 1-aad ee Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya General C/Laahi Cali Caanood, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay marka hore xaqiijiyeen gacan ku heynta Magaalada Jowhar, oo ku ekaa sida uu sheegay hawl galka wejigiisii 1-aad.
Hawl galada labaad ayaa wuxuu sheegay inay xilligaan bilaabayaan wejigiisii labaad ee hawl galada, isagoo intaasi ku daray in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom, ay ku fidayaan dhul hor leh.
General C/Laahi Cali Caanood ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom, ay ku wajahan yihiin Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa kaliya, ee ay xilligaan Shabaabku ka jooggaan Gobolka Shabeellha Dhexe.
General Caanood ayaa wuxuu ku hanjabay in Ururka Al Shabaab dhawaan laga weyn doono guud ahaan Deegaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe, taasina wuxuu sababteedu uu ku sheegay, wixii ay hubka u qaateen.
|
|


Print
