By: Mastar //  Dec 11 2012 at 11:00 am //  703 Reads  // Wararka Somalia

Qarax khasaaro geystay oo lala beegsaday Ciidamada Dowladda Soomaaliya

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Qarax khasaaro geystay ayaa waxaa lala eegtay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, xilli ay ku guda jireyn hawl gal roondo ah, oo ay ku suggayaan ammaanka.

Qaraxaan ayaa waxaa Ciidamada Dowladda lagula eegtay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo muddo afar bilood kahor lagala wareegay Ururka Al Shabaab.

Ilaa laba askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa qaraxaan ku dhaawacmay, iyadoo mid kalana uu ku geeriyooday, sida dadka Deegaanka ay saakay u xaqiijjiyeen Warbaahinta.

Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Wanlaweyn Cumar Cali Cadow, ayaa wuxuu waxba kama jiraan uu ku sheegay in qaraxaan uu wax yeelo ka soo gaaray Ciidamada Dowladda.

Taliyaha ayaa wuxuu qiray in Ciidamada Dowladda qaraxaan lala eegtay, hase ahaatee uusan wax yeelo ka soo gaarin sida uu hadalka u dhigay.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments