Al Shabaab oo sheegtay in Magaalada Jowhar ay diyaar u tahay in uu ku daato dhiig cusub
Al Shabaab ayaa waxay shaaca ka qaaday in Magaalada Jowhar ay u diyaar garowday in uu ku daato dhiig cusub, maadaama ay ku soo biirtay sida ay sheegeen faruumaha dagaalada.
Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, oo la hadlay Wakaalada Wararka ee AFP, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Magaalada Jowhar ay u diyaar garowday in uu ku daato dhiig cusub.
“Magaalada Jowhar waxay diyaar u tahay in uu ku daato dhiig cusub, maxaa yeelay waxaa qabsaday cadowga Alle, taasina Mujaahidiinta waxay ka bixinayaan jawaabo.” Ayuu yiri Sheekh C/Casiis Abuu Muscab.
“Kuwa qabsaday Magaalada Jowhar ma waxay u maleeyaan inay si nabad galyo leh ay ku joogayaan Magaalada Jowhar?, maya, taasi waxaan lee nahay waa waxba kama jiraan.” Ayuu sii raaciyay.
Ciidamada Al Shabaab ayaa wuxuu sheegay inay xilligaan dhooban yihiin duleedyada Magaalada Jowhar, isla-markaana ay weeraro qorsheysan ka geysan doonaan, sida uu yiri.
|
|


Print
